Noocyada Suuqgeynta Casriga Ah (Search Engine Optimization (SEO)
Inkastoo ay jiraan in ka badan 25 nooc oo suuqgeyn Digital ah, hadana waxaan si kooban u qaadaadhigaynaa qaybaha ugu muhiimsan ee la isticmalo, waxaana ka mid ah:
- Search Engine Optimization (SEO) ...
- Social Media Marketing (SMM) ...
- Content Marketing. ...
- Pay-Per-Click Advertising (PPC) ...
- Social Media Advertisements
- Google Advertising
- Email Marketing. ...
- Affiliate Marketing. ...
- Online Public Relations.
Waa maxay SEO ama Search Engine Optimization
SEO ama Search Engine Optimization waa farsamada iyo Sayniska kor loogu qaado website-ka, badeecada iyo adeegyada, si ay uga soo muuqdaan Google –ka adiga oon xayaysiis lacag ku bixin, sida Facebook Ads ama Google Ads midna!!
Tusaale haddii aad iibiso tigidhada dayaaradaha, macmiil na uu ka raadiyo Google-ka, waxaa hubanti ah inuu ka arki doono adeegga aad bixiso bogga koowaad ee Google Search-ga, waa haddii aad nidaamkan si sax ah u isticmaasho.
Waa maxay qiimaha SEO ama Search Engine Optimization
Si fudud haddii loo dhigo, SEO qiimaha uu leeyahay waa in qof kastaa oo internetka wax ka raadinaya uu si sahlan uga baaro Google-ka ama baraha kale ee wax laga raadiyo sida Bing and Yahoo ama kuwa la mid ka ah. SEO kharaj kaaga bixi maayo! Marka laga reebo inaad aqoon u leedahay, waqti u hurto, dhidid iyo illin na ay kaaga dareeraan!!
Si kooban SEO, wa xayaysiis lacag la’aan ah ee Google-ka! Ma wax ka wanaagsan bilaash ayaa jira!
Sidee SEO u shaqeeyaa
Macmiil ayaa booqanaya Google-ka, wuxuu arkayaa badeeco, adeeg ama shirkad cusub, aalaaba macaamiishu way ka gudbaan iskana indhatiraan xayaysiiska (ads), Waxay toos u abbaaraan oo ay gujiyaan sadarada aan xayeysiiska ahayn (organic listings) ee kasoo muuqda bogga koowaad ee Google-ka, gaar ahaan saddexda sadar ee ugu saraysa!
- Waxaa halkaas ka billaabanaya booqashada website-kaaga.
- Kasoo muuqashada bogga hore ee Google, Macnahedu waa xayeysiis lacag la’aan ah!
- Xayeysiis lacag la’aan ah macnaheedu waa booqashada website-kaaga oo bata!
- Booqashada oo kugu badata waa dalabka oo kugu bata!
- Dalabka oo kugu bata waa dakhliga oo kuu bata!
Maqaallo kale ayaan aad ugu lafaguri doonnaa haddii alle idmo noocyada kale ee suuqgaynta casriga ah.

No comments:
Post a Comment