Taariikh Kooban Oo Raadiya Ku Saabsan
Dhamaadkii qarnigii 18aad, Guglielmo Marcon oo ahaa injineer Talyaani ah oo dhanka danabka ah (Electrical engineer) ayaa hindisay Raadiyaha. Maalinba maalinta ka dambaysay, waxaa kobcayay aqoonta iyo ogaalka raadiyaha, mowjado hirar kala duwan ka dananayay ayaa iska soo dabadhacayay - mawjad-gaaban, mawjad-dhexe iyo mawjad-dheerba waa lawada adeegsaday, si loo gaarsiiyo raadiyaha dhageystayaal badan oo adduunka dacalladiisa kala jooga.
Soomaaliya waxaa uu raadiyaha soo gaaray 1943-dii, waxaana markii ugu horeysay la maqlay radio Hargeisa, radio Muqdishu ayaa xigay 1951-dii, dalkeena ayaa xilligaas ku jirtay gacanta gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga. Laanta Soomaaliga ee BBC ayaa xigtay, waxa ay shaqada bilawday 18-kii Luuliyo, 1957-kii.
Bilowgii Suuqgaynta Raadiyaha Iyo Tvga
90 sano muddo haatan laga jooga ayaa la wariyey iidhehdii ugu horeysay ee Raadiye ka baxday adduunka! Muddadii itaas u dhaxeysay waxaa aad isu soo tarayay adeegsiga iidhehda si loo baahiyo badeecadaha suuqa yaala islamarkaasna la isugu xiro macmiilka iyo beecmushtarka.
Daldaloolooyin Kasoo Baxay Iidhehda Raadiyaha
Daldaloolooyin ayaa kasoo baxay iidhehda Raadiyaha, waxaa ka mid ah:
- Waa maqal oo kaliya
- Waa qaali iidhehdu
- Aalaaba lama dhageysto xayaysiiska!
- Waxay u baahan tahay ku celcelis badan
- Waa farriin cimri gaaban
- Macmiilku toos ulama falgali karo
BBC Somali oo Xitray Idaacadda Caawa iyo Caalamka.
Wixii Cusub Caalamkaa Jecel!!
Kacaan cusub oo dhanka tegnolojiyada ah ayaa curtay, adduunkii ayaa tuulo noqday, ganacsigii, waxbarashadii, madadaaladii iyo dhammaan noloshii ayaa online-ka uguuraya. 4.5 bilyan oo qof ayaa online ah maanta, tirada guud ee dadka adduunka na waxaa lagu qiyaasaa 7 bilyan, bal qiyaas!!

Kharashaadka xayeysiinta raadiyaha caalamka ee Sanadaha u dhexeeya 2000-2022
Sanadkii 2019, kharashka ku baxay xayeysiinta loo adeegsado raadiyaha, ayaa adduunka oo dhan wuxuu ahaa 34.8 bilyan oo doolar. Saadaasha ayaa muujineysa in la arki doono koror yar oo ku yimaada maalgashiga xayeysiinta saddexda sano ee soo socota, oo la filayo inay gaarto 35.97 bilyan oo doolarka Mareykanka dhammaadka 2022.
Kharashaadka xayeysiinta internetka ee Sanadaha u dhexeeya 2000-2022
Taas waxaa barbar yaalla, qarashka ku baxay xayeysiinta internetka isla sanadka 2019 ayaa qiimaheedu ku kacay 106.5 bilyan oo doolarka mareykanka ah. Lacagtan ayaa la saadaalinayaa inay kororto ilaa 132 bilyan oo doolarka Mareykanka ah marka la gaaro sanadka 2022. Arrintan ayaa ka dhigan in saamiga ugu badan ee xayeysiinta caalamka uu lahaan doono Internetka (Internet Advertising)
Isbarbardigga Suuqgeynta Hore Iyo Midda Casriga ah!



No comments:
Post a Comment