Macnaha ugu sahlan ee lagu fasiri karo Suuqgeynta Casriga ah (Digital Marketing), Waa in la suuqgeeyo badeecadda, adeegyada iyo sumadda shirkadda (Brand Name), iyada oo la adeegsanayo fagaarayaasha elegtaroonikada sida; Baraha Bulshada, Websiteyada, Google-ka, iyo wax allaale wixii internet ku shaqeeya.
Suuqgeynta Casriga ah, mararka
qaarkood waxaa loo yaqaan:
·
Online
Marketing,
·
Internet
Marketing ama
·
Web
Marketing.
Dhammaan eraybixinnadaasu
waa kuwo isku macne dhaw, asse dadku siyaabo kale duwan u adeegsadaan. Waxaase
aad u kala duwan Online Marketing iyo Online Market, oo midna uu yahay suuqgeynta badeecadda iyo
adeegyada lagu suuqgeeyo shabakadda internetka;
halka midka kale uu yahay suuq si online ah wax looga iibsado.
FARAQA U DHEXEEYA XAYAYSIISKA CAADIGA AH
(TRADITIONAL MARKETING) IYO SUUQGEYNTA CASRIGA AH (DIGITAL MARKETING).
Waa dhab in Xayaysiiska iyo
Suuqgeyta Casriga ahi labadaba noqon karaan erayo uu xiriir ka dhexeeyo.
Suuqgeeyayaal bada ayaa sidaas u haysta. Balse, waxaa hubaal ah in uu jiro
faraq weyn oo u dhexeeya waxaana ka mid ah:
Xayaysiiska caadiga ah waa offline, oo loola jeedo in uu yahay
nidaam aan internetka ku shaqayn. Halka suuqgeynta casriga ah yahay online oo ay macnaheedu tahay in
nidaamkani yahay nidaam internetka ku shaqeeya.
Xayaysiiska caadiga ah, waa
iidhehda laga sii daayo Radiyada ama Taleefishinka ama lagu daabaco Wargeysyada
ama Yello Pages-ka, Halka suuqgeynta casriga ahi farriimaha suuqgeyneed la
isugu gudbiyo Internetka, Baraha Bulshada iyo Mareegaha gaarka loo lee yahay.
Xayaysiiska iyo suuqgeynta
caadiga ah waa nidaam qadiim ah oo soojireen ah lana adeegsan jiray tan iyo markii
ay dadku bilaabeen suuqgeyta.
Inkastoo xayaysiiska caadiga ahi uu weli leeyahay faa’iidooyin u gaar ah sida: in shirkaddaada ama badeecaddaada ay ku battaan dadka dhagahooda ama araggooda, ama si aad ah lagaaga barto magaalo gaar ah, hadana waa nidaam duug ah oo qadiim ah oo suuqgeyneed.
Inkastoo xayaysiiska caadiga ahi uu weli leeyahay faa’iidooyin u gaar ah sida: in shirkaddaada ama badeecaddaada ay ku battaan dadka dhagahooda ama araggooda, ama si aad ah lagaaga barto magaalo gaar ah, hadana waa nidaam duug ah oo qadiim ah oo suuqgeyneed.
Waa nidaam suuqgeyneed oo ku
xaddidan hal deegaan iyo dad hal meel kuwada nool. Waa nidaam kharaj badan oo ku kici kara
miisaaniyad culus. Waa nidaam aan lahayn halbeeg lagu garan karo tirade dadka
ay farriintu gaartay.
Dhanka kale, Suuqgeyta
casriga ah waxaad gaarsiin kartaa farriintaada malaayiin dad ah oo daafaha
adduunka ku kala nool, Waa nidaam leh halbeegyo aad ku cabiri karto yoolka aad
lahayd iyo natiijada aad gaartay. Waa nidaam aad u qiima jaban una kharaj
yar.
Waa nidaam kuu sahlaya inaad la falgasho macaamiishaada si toos ah.
Waa nidaam kuu sahlaya inaad la falgasho macaamiishaada si toos ah.
Waa nidaam aad ku kala
dooran karto deegaano kala duwan (Geo-Marketing) si aad ugu soo bandhigto
farriintaada ganacsi
NUUCYADA KALA DUWAN EE SUUQGEYNTA CASRIGA AH

No comments:
Post a Comment