Google Rank, waa kasoo muuqashada bogga hore ee Google Search. Si aad u gasho Google Rank, waxaa lagama maarmaan ah inaad raacdo tilmaamaha iyo qawaacidda SEO oo u taagan search engine optimization, taas oo ah cilmiga iyo farsamada lagu galo kaalimaha hore ee Xogbaarayaasha (search engines ) sida Google ama Bing si loo helo dadka ugu badan ee websiteka soo booqda!
Waa hubaal in aadan dhammaantood dabaqi karin, laakiin isku day inaad dabaqdo illaa xad!
Haddii uu kugu cusub yahay Digital Marketing, waa suurtagal inaad ku fekerto in SEO yahay wax dhib badan oo aan la sameyn Karin.
Si kastaba, aad ha u welwelin. Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad maanka ku hayso qawacidan aan maqaalkan ku sharxi doonno, kuwaas oo kugu hagi doona inaad kaalmaha sare ka gasho xogbaarayaasha (search engines ).
Waa kuwan 10 qodob oo uu websidekaagu ku gali karo bogga hore ee google ka!!
1. Qaanuunka Google (Google algorithm)
Mar kasta raac qawaaniinta Xogbaarayaasha (search engines)
Wax sahlan ma aha in la raaco qaanuun, waa suurtagal inaad mar mar jabiso xeerka, waxaase habboon inaad ilaaliso si aad ku guuleysato tartanka adag ee aad ku jirto.
Haddii aad isleedahay isticmaal xeelado aan sharci ahayn si aad ugasho kaalmaha hore, waxay u badan tahay in uu Google ku helo, dabadeed na lagugu soo rogo ciqaab (algorithmic penalty)
Ciqaabta ugu culus waa in macluumaadka websitekaaga laga saaro dhammaan xogbaaraha Google!! (Google search engine)
2. Website ammaan leh ( A Secure Website -HTTPS)
Sida ku cad faafinta rasmiga ah ee Google bishii Agoosto 2014, ayay ku sheegeen in ammaanka websiteka uu ka mid yahay waxyaaba ay mudnaanta siinayaan marka laga hadlayo Google Rank. Haddii uu websitekaagu yahay mid ammaan ah, waxaa ay arrintaasi ka qayb qaadanaysaa in websitekaagu kasoo muuqdo bogga hore ee Google.
Haddii aad leedahay website aan amaan ahayn, waxaa suuragal ah inaad hesho farriin digniin ah oo ka socota Google Search Console.
In kasta oo ay waxaas oo dhami jiraan, hadana, HTTPS weli waa cunsur miisaan ku leh google Rank.
3. Website xawaare sare leh (Including Mobile Page Speed)
Websiteyada leh xawaaraha gaaban, waxaa aad u yaraanaya fursaddii ay uga soo muuqan lahaayeen Rank-ga.
Haddii websitekaaga marka laga isticmaalayo computerka uu xawaarihiisu sareeyo, balse isticmaalka mobileka uu xawaare gaaban yahay, weli si buuxda uma aadan guuleysan!!
Xawaaraha sare cabirkiisu waa 90-100 darajo, kan dhex dhexaad ka ah waa 50-89 darajo, halka kan liita uu yahay 0-49 darajo!!
4. Website mobile ku shaqeeya (Mobile Friendliness)
Dadka internetka xogta ka baara, 65% waxay isticmaalaan Mobile (Smartphone). Haddii websitekaaga markii la naqshadeynayay aan loogu tala galin in uu shaashadda mobileka ku shaqeeyo, kama soo muuqan doono Google Rank, maxaayeelay arrintan waxay ka mid tahay arrimaha kaga eego websiteyada, si ay Rank u galaan.
5. Erayada Mudnaanta leh (Keywords)
Ku dar maqaaladaada iyo Muuqaalada aad baahinayso erayada ay dadku xogbaarayaan (Ku qorayaan Google Search ka). In aadan ku fekerin adeegsiga erayada ay dadku xogbaaraan ayaa sabab u noqon karta in lagaa waayo fagaaraha xogbaaraha Google ama aad gali wayso boggaga hore ee xogbaarayaasha.
Waxaa jira farsamooyin iyo imkaaniyaad loo isticmaalo helidda erayada ay dadku ka xogbaaraan Google.

Qaybta 2-aad ee maqaalkeena, waxaan uga hadli donna haddii uu eebbe idmo:
- Xogta websiteka ku jirta (Content is King)
- Linkiyo kuugu xiriirsan websiteyo kale (Backlinks)
- Linkiyo kuugu xiriirsan baraha bulshada (Social Signals)
- Qanacsanaanta adeegsadaha websitekaaga (User Experience)
- Da’da domainka websiteka (Domain age)



No comments:
Post a Comment