Eng Sayyid Ali Hussein
Welcome to My Blog!, I specialize in cybersecurity GRC & ISO 27001 Lead Auditor | Director @ MU | Founder, Dayah Digital & Gashan Cybersecurity | ISC² CC | Google Cybersecurity Cert. | MICTM I help organizations manage risks, protect data, and comply with national laws and international standards.
Friday, August 14, 2026
DUNI LA HAGAYO IYO DUNI SII HODMAYSA: SHEEKO KU SAABSAN AWOODDA BARAHA BULSHADA
3 XEER OO AMNIGA SAAYBARKA LAF-DHABAR U AH
Aasaaska Amniga Saaybarku Wuxuu Ku Taagan Yahay Saddexdan Xeer.
Horudhac
Saddexdan
xeer (Confidentiality, Integrity, and Availability), oo loo yaqaan CIA Triad, waa
tiirka udub-dhexaadka u ah uguna
muhiimsan ee lagu dhiso amniga macluumaadka iyo ilaalinta nidaamyada dhijitaalka
ah. Waxay saldhig u yihiin dhammaan siyaasadaha, habraacyada iyo xeeladaha lagu
xakameeyo laguna xoojiyo amniga Saaybarka, si loo hubiyo in xogtu ay ahaato mid
ammaan ah, sax ah, isla markaana si joogto ah oo la isku halleyn karo loo heli
karo marka loo baahdo
Saddexda xeer’ ee aasaasiga ah ee amniga Saaybarka:
1.
Sir-Hayn,
2.
Saxnaan Iyo
3. Sugnaanta Iyo Helitaan Xogta Iyo
Macluumaadka
Xeerka 1aad:
Sir-hayn (Confidentiality)
Sir-hayntu
waa xeerka dammaanad qaadaya in xogta iyo macluumaadka ay heli karaan oo keliya
dadka ay quseyso ama loo oggolaaday. Ujeeddadeedu waa ilaalinta xogta xasaasiga
ah si aanay u gaadhin, u arkin ama u isticmaalin cid aan sharci ahaan loo
fasixin.
Si loo fahmo saddexda xeer’ ee amniga Saaybarka,
aan ku tusaalayno bangi:
Tusaale: Bangigu waa
inuu xaqiijiyaa in macluumaadka macaamiishooda (sida akoonnada, lacagaha, iyo furayaasha
sirta (Passwords) aysan arki karin ama heli karin dad aan loo oggolayn. Tusaale
ahaan, qof kale ma geli karo akoonkaaga bangiga, xitaa shaqaalaha bangiga
haddii aan lo oggolaan.
Xeerka 2aad:
Saxnaan (Integrity)
Saxnaantu
waa xeer ilaalinaya in xogtu ahaato mid dhammaystiran oo aan kala dhinnayn, sax
ah, oo aan si aan laga war hayn loo beddelin, ama loo tirtirin. Xeerkana wuxuu
hubiyaa in macluumaadku sii ahaado sidii loogu talagalay markii la abuuray ama
la kaydiyey.
Tusaale: Bangigu
waa inuu hubiyaa in lacagta iyo xogta akoonnada aan si khaldan loo beddelin.
Tusaale ahaan, haddii ay bangiga kuugu jirto $500, lama beddeli karo adigoon
oggolaansho bixin. Lacagtii aad akoonkaaga ku ogeyn waa inaad ugu timaadaa.
Xeerka 3aad: Sugnaanta (Availability)
Sugnaanta waa xeer dammaanad qaadaya in xogta iyo
nidaamyadu ay diyaar u yihiin dadka adeegsanaya oo xaqa u leh, islamarkaasna ay
la heli karaan goor kasta ay u baahan yihiin, iyada oo aan laga hakin ama laga carqaladayn.
Tusaale: Bangigu waa
inuu hubiyaa in adeegyada sida ATM-ka, mobile banking, iyo website-ka ay mar
walba shaqeynayaan si macaamiishu ay lacagtooda u heli karaan marka ay u
baahdaan.
Gunaanad:
Saddexdan xeer’ waa halka laga bilaabo ilaalinta iyo
xakamaynta amniga Saaybarka, waa mabaadiida laga ambaqaado oo ay ku arooraan
dhammaan qorshayaasha ilaalinta amniga Saaybarka. Haddii si wabaagsan loo
qorsheeyo, loo naqshadeeyo loona agaasimo, waxay ka dhigi karaan amniga saaybarka mid xooggan, deggan, isla
markaana la isku halleyn karo.
𝐖𝐐: 𝐈𝐧𝐣. 𝐒𝐚𝐲𝐲𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧
Qoraa, 𝐴𝑚𝑛𝑖𝑔𝑎 𝑆𝑎𝑎𝑦𝑏𝑎𝑟𝑘𝑎
#Cybersecurity #InformationSecurity #AmnigaSaaybarka #SomaliCybersecurity #CyberAwareness #Waci #GashanCyber
Saturday, May 16, 2020
SIDEE KU GALI KARAA GOOGLE RANK?
SIDEE KU GALI KARAA GOOGLE RANK?
Waa maxay SEO (Search Engine Optimization)
- Website Architecture
- Domain Security
- Inbound Links
- Topic Authority
- Keyword Intent
- Meta Tags
- Title Tag
- Image Alt Text
- Meta Description
- Page Speed
WAA MAXAY SUUQGEYNTA BARAHA BULSHADA
- Waa Baro baaxad leh
- Macmiilkaagu wuxuu isticmaalaa Baraha Bulshada
- Waa bilaash
- Qaybta xayaysiis (ads).
Thursday, May 14, 2020
MAXAA BADALI DOONA XAYAYSIISKA RAADIYAHA?
Taariikh Kooban Oo Raadiya Ku Saabsan
Bilowgii Suuqgaynta Raadiyaha Iyo Tvga
Daldaloolooyin Kasoo Baxay Iidhehda Raadiyaha
- Waa maqal oo kaliya
- Waa qaali iidhehdu
- Aalaaba lama dhageysto xayaysiiska!
- Waxay u baahan tahay ku celcelis badan
- Waa farriin cimri gaaban
- Macmiilku toos ulama falgali karo
BBC Somali oo Xitray Idaacadda Caawa iyo Caalamka.
Wixii Cusub Caalamkaa Jecel!!

Kharashaadka xayeysiinta raadiyaha caalamka ee Sanadaha u dhexeeya 2000-2022
Kharashaadka xayeysiinta internetka ee Sanadaha u dhexeeya 2000-2022
Isbarbardigga Suuqgeynta Hore Iyo Midda Casriga ah!

.................Dhamaad.............
NOOCYADA SUUQGEYNTA CASRIGA AH
Noocyada Suuqgeynta Casriga Ah (Search Engine Optimization (SEO)
- Search Engine Optimization (SEO) ...
- Social Media Marketing (SMM) ...
- Content Marketing. ...
- Pay-Per-Click Advertising (PPC) ...
- Social Media Advertisements
- Google Advertising
- Email Marketing. ...
- Affiliate Marketing. ...
- Online Public Relations.
Waa maxay SEO ama Search Engine Optimization
Waa maxay qiimaha SEO ama Search Engine Optimization
Sidee SEO u shaqeeyaa
- Waxaa halkaas ka billaabanaya booqashada website-kaaga.
- Kasoo muuqashada bogga hore ee Google, Macnahedu waa xayeysiis lacag la’aan ah!
- Xayeysiis lacag la’aan ah macnaheedu waa booqashada website-kaaga oo bata!
- Booqashada oo kugu badata waa dalabka oo kugu bata!
- Dalabka oo kugu bata waa dakhliga oo kuu bata!
10 KA QODOB EE WEBSIDEKU KU GALI KARO GOOGLE RANK!! QAYBTA 1-AAD
1. Qaanuunka Google (Google algorithm)
2. Website ammaan leh ( A Secure Website -HTTPS)
3. Website xawaare sare leh (Including Mobile Page Speed)
4. Website mobile ku shaqeeya (Mobile Friendliness)
5. Erayada Mudnaanta leh (Keywords)

Qaybta 2-aad ee maqaalkeena, waxaan uga hadli donna haddii uu eebbe idmo:
- Xogta websiteka ku jirta (Content is King)
- Linkiyo kuugu xiriirsan websiteyo kale (Backlinks)
- Linkiyo kuugu xiriirsan baraha bulshada (Social Signals)
- Qanacsanaanta adeegsadaha websitekaaga (User Experience)
- Da’da domainka websiteka (Domain age)









