Laakiin maanta xaal adduun baa is beddelay. Badeecooyinkii iyo adeegyadii la iibin jiray maanta ma aha waxa ugu qaalisan ee suuqyada yaal.
Waxaa la iibinayaa waa adiga — Waxaad tahay Product
dareenkaaga, fiirsigaaga, daqiiqadda aad shaashadda daawato.
Mar kasta oo aad hal daqiiqo ku sii nagaatid Facebook, TikTok ama YouTube, waxaa ay samaynayaan dakhli aad u weyn.
Baraha bulshada waxay noqdeen albaab laga galo adduun dhan oo dhaqaale ku dhisan yahay indhaha dadka iyo shucuurtooda.
𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐲 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐮 𝐋𝐞𝐞𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧
Maanta waxaa dunida hoggaamiya afar madal oo awooddo dhaqaale oo waaweyn leh:
• Facebook (Meta) — 3.1 bilyan oo isticmaala, dakhligooduna 2024 wuxuu gaaray ~$100 bilyan.
• YouTube — 2.5 bilyan oo isticmaala iyo ~$36 bilyan oo xayeysiis ah sanadkii 2024.
• TikTok — 1.6 bilyan oo isticmaala iyo ~$23 bilyan oo dakhli ah.
• X (Twitter) — 550 milyan oo isticmaala, dakhligooduna yahay ~$2–3 bilyan.
Marka la isu geeyo, afartan madal waxay 2024 ka heleen $161 bilyan oo xayeysiis ah — lacag ka badan miisaaniyadda dalal badan oo Afrika ah.
𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐦𝐢𝐜𝐧𝐚𝐡𝐚𝐚𝐬𝐢?
In maanta aan laga ganacsan badeeco keliya, balse laga ganacsado waqtigaaga, dareenkaaga, iyo daqiiqaddaha aad shaashadda joogto.
𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐀𝐲𝐚𝐲 𝐔 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚𝐧𝐢?
Baraha bulshada waxaa hogaamiya nidaam qarsoon oo la yiraahdo Algorithm — waa maskax xeerar iyo xisaab isku jiro ah oo go’aamisa:
• waxa aad aragto,
• waxa lagaa qariyo,
• cidda lagu tusayo,
• iyo waxa ku qasbi kara inaad sii joogto.
Waxay eegaan wax kasta oo aad sameyso:
• waxa aad daawato,
• waxa aad gujiso,
• waxa aad jeclaato,
• faallooyinka aad qorto,
• waqtiga aad soo gasho,
• dadka aad xiiseyso.
Kadib waxay kuu sameeyaan “shaandho gaar kuu ah” oo si taxaddar leh kuu soo bandhigta waxa aad jeceshahay… iyo waxa ku sii hayn kara shaashadda.
𝙃𝙖𝙡 𝙨𝙪’𝙖𝙖𝙡 𝙗𝙖𝙖 𝙢𝙖𝙨𝙠𝙖𝙭𝙙𝙤𝙤𝙙𝙖 𝙠𝙪 𝙬𝙖𝙧𝙚𝙚𝙜𝙩𝙖:
“𝙎𝙞𝙙𝙚𝙚𝙣 𝙦𝙤𝙛𝙠𝙖𝙣 𝙪𝙜𝙪 𝙝𝙖𝙮𝙣 𝙠𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖 𝙨𝙝𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙢𝙪𝙙𝙙𝙤 𝙙𝙝𝙚𝙚𝙧?”
𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗕𝗮𝘆 𝗨 𝗤𝗮𝗮𝗯𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗙𝗶𝗸𝗶𝗿𝗸𝗲𝗲𝗻𝗻𝗮?
Baraha bulshada waxay awood u yeesheen in ay qaabeeyaan aragtideenna iyo sida aynu u fahanno dunida:
1. Waxay noo dooraan waxa aan aragnno
Wax aad marar badan aragto, waxaad u malaynaysaa inuu yahay waxa ugu muhiimsan ee jira.
2. Waxay macluumaadka qaar ka dhigaan “viral”
Hal muuqaal ama hal hadal ayaa dunida oo dhan ku faafa, qofkuna mararka qaar wuu rumaysanayaa isagoo aan xaqiiqo hubin.
3. Waxay kiciyaan shucuurta dadka
Waxay adeegsadaan xanaaq, farxad, cabsi, murugo — wax kasta oo kugu qasbi kara inaad sii fiirsato.
4. Waxay awood siiyaan dadka caanka ah
Influencer-ka maanta wuxuu noqday hoggaamiye fikradeed, mararka qaar ka saameyn badan dadka aqoonta iyo khibradda u leh arrimaha uu ka hadlayo.
𝑻𝒂𝒍𝒐 𝑲𝒐𝒐𝒃𝒂𝒏
• Adigu dooro waxa aad rabto inaad aragto; ha u oggolaan in baraha bulshadu kugu maamulaan.
• Jooji scrolling-ka aan dhammaadka lahayn.
• Ka saar waxyaabaha ku mashquuliya ee aan faa’iido kuu lahayn.
• Xaddid waqtiga aad rabto inaad ku bixiso baraha bulshada.
• Bar carruurta iyo dhallinyarada sida baraha bulshadu u saameeyaan maskaxdooda, caafimaadkooda iyo dhaqankooda.
• Ka dhig baraha bulshada aalad adiga ku adeegeysa, ee aanay noqon kuwo adiga kuu adeegsada.
• Aqoonyahanka iyo indheergaradka , waa inay soogalaan, abuuraan contents bulshada nacfi u leh, si ay u miisaamaan xogta internetka lasoogaliyo.
𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱
Maanta waxa ugu qaalisan ma aha alaabta la iibiyo, balse waa waqtigaaga, dareenkaaga, iyo aragtida aad ku eegto dunida. Baraha bulshada waxay awood u leeyihiin inay qaabeeyaan fikradda bulshada, dareenka qofka, iyo xitaa mustaqbalka jiilasha soo socda.
𝑳𝒂𝒂𝒌𝒊𝒊𝒏 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒂𝒔 𝒐𝒐 𝒅𝒉𝒂𝒏 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒂 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓 𝒉𝒂𝒍 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒒𝒐 𝒐𝒐 𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒐𝒐 𝒂𝒂𝒏 𝒊𝒏𝒅𝒉𝒂𝒉𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒂 𝒒𝒂𝒃𝒔𝒂𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒊𝒏:
Waxaa jira dowlado iyo hay’ado si ula kac ah u adeegsada baraha bulshada si ay u abuuraan fikrado, u sameeyaan aragtiyo, una saameeyaan sida bulshooyinka caalamku u fekeraan iyo sida ay go’aannadooda u qaataan.
Waa dagaal fikir, dhaqan, iyo wacyi ah oo aan mararka qaar la arki karin, balse aad loo dareemi karo.
Sidoo kale, waxaa jira shaqsiyaad samaysta tobanaan bog oo been abuur ah, kuwaas oo ay adeegsadaan si ay u faafiyaan warar, sheekooyin, iyo dacaayado kala duwan. Hal fariin ayay mar keliya ku wada dhigi karaan bogag badan, taasoo abuuraysa muuqaal been ah oo u eg in bulshada oo dhami arrin ka hadleyso—inkastoo ay ka timid hal qof ama koox yar.
Dunida maanta, algorithm-ku wuxuu kuu sawiri karaa dunida aad rabto inaad aragto, balse mararka qaar sidoo kale wuxuu kuu sawiri karaa dunida cid kale rabto inaad aragto.
𝑯𝒂𝒅𝒅𝒂𝒃𝒂, 𝒇𝒂𝒓𝒒𝒊𝒈𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒘𝒆𝒚𝒏 𝒘𝒖𝒙𝒖𝒖 𝒖 𝒅𝒉𝒆𝒙𝒆𝒆𝒚𝒂𝒂 𝒍𝒂𝒃𝒂 𝒒𝒐𝒇:
• Qofka fahma sida ay baraha bulshadu u shaqeeyaan — waa qof xor ah, feejigan, doorashada gacanta ku haya.
• Qofka aan fahmin — wuxuu ku noolaanayaa dunida uu
algorithm-ku u sameeyay… dunida aan isaga loogu talagalin, ee la doonayo in lagu hogaamiyo, lagu kiciyo, ama lagu dejiyo.
Xorriyadda fikirku waxay ku bilaabataa fahamka sida dunida dijitaalka ahi u shaqeyso.
Qofka fahma, wuu hogaamiyaa.
Qofka aan fahmin, waa la hogaamiyaa.

No comments:
Post a Comment