10 KA QODOB EE WEBSIDEKU KU GALI KARO GOOGLE RANK!!
Qaybta 2-aad ee
maqaalkeena, waxaan kusoo qaadanaynaa
1. Xogta websiteka ku jirta (Content is King)
Waxaa la yiraahdaa “Content is King”, taas macnaheedu waa in
aad mudnaan gaar ah siisaa xogta aad galinayso websiteka. Haddii aadan abuurin maqaallo, muuqaalo,
maqal iyo sawirro soo jiidasho leh, farshaxan leh, xambaarsan macluumaad qiima u leh dadka
islamarkaasna joogto ah, wax macne ah
samaynmaayo websitekaaga.
Waa adigoo dad martiqaaday, hadana aan u hayn madadaalo iyo
cunto ay cunaan. Websiteka Madadaaladisa (Madadaaladiisa) iyo cuntadiisu waa
macluumaadka iyo murtida ku jirta!!
Markasta oo xogta websiteka ku jirta ay badan tahay; waa mar kasta oo websitekaagu gali karo bogga
koobaad ee Googlka (Googleka).
2. Linkiyo kuugu xiriirsan websiteyo kale (Backlinks)
Backlinks waa mid kamid ah waxyaabaha ay qiimeeyaan
xogbaarayaasha rank gareeya websiteyada. Markasta oo linkiyo kuugu xiran yihiin
websiteyo kale ee aad bahwadaag tihiin; waaa markasta oo websitekaagu fursad u
helo in uu kor kasoo muuqdo.
Ma ogtahay in ay jiraan Backlinks wanaagsan iyo kuwo aan
wanaagsanayn!! Tusaale, haddii websitekaagu ku xiriirsan yahay websiteyada aadka
loo booqdo, waxaad helaysaa backlinks heer sare ah oo soo jiita Google. Balse haddii aad ku xiriirsato kuwo ku cusub
internetka, uma shaqayn doonaan sida kan hore.
Isku day inaad geeddisocodkan bilowdo, raadi websiteyo
dadku aad u booqdaan ama caan ah, ku xiriirso websitekaaga adiga oo
isticmaalaya (backlink building strategy)
3. Linkiyo kuugu xiriirsan baraha bulshada (Social Signals)
Social Signals waa falcelinta dadka ee baraha bulshadaada,
sida: Like, Comment ama Share. Taasi waxay farriin u diraysaa Google, kadib maxaa dhacaya.
Google waxay aqoonsanaysaa shirkadda leh barta bulsho ee ay
farriimuhu kasoo dhacayaan iyo websiteka ku xiriirsan.
Si ay u badato Like, Comment ama Share, waa inaad barahaaga
bulshada markasta ku daabacdaa maqaallo iyo muuqaalo xiisa leh oo dadka soo
jiita.
4.
Martida websitekaaga waxa ay la kulmeen (User
Experience)
Google
waxay aad u tixgalisaa dadka qanciya martida soo booqanaya websitekooda. User
Experience waa waxa ay kala kulmaan iyo qanacsanaanta martida soo booqanaysa
websitekaaga. Websitekaagu ma yahay:
·
Website muuqaal
soojiidasho leh
·
Website nidaamsan naqshad ahaan
·
Website xambaarsan
macluumaad qiima u leh dadka
·
Website been iyo
borobagaando aan lahayn
·
Website aysan ku
badnayn farriimaha soo boodada ah (Pop Ups)
·
Website xawaare sare
leh
·
Website Maalin kasta 24
saac hawada ku jira
·
Website isticmaalkiisu
fudud yahay
5. Da’da domainka
websiteka (Domain age)
Ma ogtahay in 60% websiteyada kaalimaha hore ka galay
xogbaaraha Google (Search Engine) ay yihiin weybsiteyada ay da’doodu ka weyn
tahay 3 sano. Haddii Domainku (Ciwaanka Websiteka) uu hawada ku jiray muddo la
eg ama ka badan 3 sano, Waa ifafaalo
wanaagsan oo fursad kuu siin kara inuu kor usoo kaco.

No comments:
Post a Comment