Suuqgaynta Baraha Bulshada waa hab cusub oo kusoo kordhay hababkii hore ee Suuqgeynta loo samayn jiray.
𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗦𝘂𝘂𝗾𝗴𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮
Suuqgaynta Baraha Bulshada waa hab cusub oo kusoo kordhay hababkii hore ee Suuqgeynta loo samayn jiray. Waxaa la isticmaalayaa baro internetka ah, si loo dardargeliyo farriin, alaab ama adeeg la suuqgaynayo si loo arki karo nooca iyo sifada alaabtaas.
Baraha Bulshada iyo Suuqgaynta Baraha Bulshada
Isticmaalka Baraha Bulshada waa wax; In Baraha Bulshada Suuqgeyn Lagu sameeyana waa wax kale!!. Waxaa hubanti ah in inta badan dhalinyarada ama dhalinyarada cuslaatay!! ay garanayaan isticmaalka baraha bulshada, Ugu yaraan inay akhrisan karaan Postiyada, bixin karaan Faallooyin ama ay lawadaagi karaan asxaabtooda waxyabaha cajabgaliyay ee ay ku arkeen baraha bulshada.
Taas macnaheedu maaha in ay garanayaan sida alaabada ama adeegyada loogu suuqgeeyo internetka. Waa arrin u baahan taatiko iyo farsamooyin dheeraad ah, xitaa khubaro dhanka suuqgaynta ah ayaa mararka qaarkood ku kadsooma! Maxaayeelay cilmiga ay u leeyihin suuqgeynta soo jireenka ah (traditional marketing) ayaa marnaba la jaan qaadi Karin habkan cusub ee la adeegsanayo internenka sida Facebook, Twitter ama Instagram.
Xalku waa in waqti loo huro barashada iyo baraktikada sida baraha bulshada suuqgayn loogu sameeyo. Si aad natiijooyin la taaban karo u gaarto, waxaa lagaaga baahan yahay inaad qorshayso, iskudubbariddo oo aad agaasinto “YUMMY YUMMY CONTENTS” Waxyaabo xiisa leh oo misana faa’iido leh, Joogto ah oo xusuus reebi kara.
5 Sababood oo ay muhiim u tahay Suuqgaynta Baraha Bulshada
- Waa Baro baaxad leh
Facebook, waa barta ugu weyn, waxaa isticmaala in kabadan Laba Billyan oo qof dunida oo dhan, LinkedIn 460 million oo qof. Maalin kasta ku dhawaad 1 billyan oo saacadood oo muuqaallo ah ayaa laga daawadaa Youtube
- Macmiilkaagu wuxuu isticmaalaa Baraha Bulshada
Inta badan waxaa la isticmaalaa facebook, dhallinyaro iyo waayeel, ganacsatada yaryar iyo kuwa waa weyn. Ka kaluumeyso halka uu kalluunku yaal . Macmiilkaaga ayaad si fudud ula falgali kartaa, u gaari kartaa oo aad u qiimayn kartaa.
- Waa bilaash
Facebook, Yelp, Snapchat, YouTube, Instagram, Pinterest... dhammaantood , dabcan, waa bilaash isticmaalkooda free to use. Dadku aad bay u jecel yihiin, maxaayeelay waxay jecel yihiin “bilaashka!!” Waxay si fudud ula xiriiri karaan qaraabadooda, saaxiibadood, sidoo kale waxay si degdeg ah ku heli karaan macluumaad iyo shirkado ay jecel yihiin
- Qaybta xayaysiis (ads).
Ka sakow inay jiri karaan macmiil si taban ula falgala xayaysiiska, hadana waxaa sidoo kale jira macmiil si togan ula falgala. Xayaysiiska ay sameeyaan shirkadahani (Social Media Platforms), waxay boqolkiiba 80% ka saamey badan yihiin Xayaysiiska Radiyaha ama Taleefishinka. Waxaad dooran kartaa dadka aad doonayso inay gaarto farriintaadu, (Da’ ahaan, deegaan ahaan iyo dooq ahaanba). Sidii kale waxaad Falanqayn kartaa natiijada kasoo baxda ol’olaha xayaysiiska aad samaysan iyo inaad dhalisay goolkii aad rabtay.
















