Inkastoo ay tahay howl u baahan shaqo badan iyo soojeed badan, hadana aad bay suurtagal u tahay in aad ka gungaarto
SIDEE KU GALI KARAA GOOGLE RANK?
Inkasta oo ay tahay howl u baahan shaqo isdabajoog ah iyo soojeed badan, hadana aad bay suurtagal u tahay in aad ka gungaarto. Waxaa aad muhiim u ah in aad la jaanqaadi karto habraacyada Google iyo jaalkeed. Si aad ula saanqaaddo Google, waxaa mudnaanta koowaad leh waxa loo yaqaan SEO (Search Engine Optimization), hadaba.
Waa maxay SEO (Search Engine Optimization)
SEO waa erayo lasoo gaabiyay oo ah Search Engine Optimization, kaas oo ah habraac lagu hormariyo websiteka si looga helo internetka.
SEO waxay mudnaanta siisaa diiraddana saartaa sidii uu websiteku uga soo muuqan lahaa bogagga hore ee Google iyo Bing. Markasta oo websiteku kasoo muuqdo bogga hore, waa markasta oo ay kororto booqashada websiteka.
Haddii websiteku booqashadiisu kororto, waxaa sidoo kale kordhaya macmiilka ku xiran ganacsigaaga ama hay'addaada. Sidoo kale waxaa kordhaya la falgalka macmiilka.
In kabadan 3.5 bilyan oo baaritaan ah ayaa laga sameeyaa google maalin kasta. Google waxay haysataa 85% saamiga mashinada baaritaanka dhanka internetka, gaar ahaan Desktopka.
Qof kastaa wuxuu jecel yahay in laga arko dhanka internetka ganacsiga uu wado, adeegyada uu bixiyo, hay’ad uu maamulo ama shaqsi ahaan ba.
Google waxa ay leedahay wax loo yaqaanno Google's ranking algorithm, oo ah tab iyo xeelad ay ku kala soocdo websiteyada, waa hubanti in aan 100% lagu guulaysan Karin, laakiin, Waxaa jira ilaa 250 waxyaabood oo saameyn taban ku leh in websideku ka soo muuqan waayo internetka. Ama Rank-gaaga uu hoos u dhaco. Waxaa ka mid ah:
- Website Architecture
- Domain Security
- Inbound Links
- Topic Authority
- Keyword Intent
- Meta Tags
- Title Tag
- Image Alt Text
- Meta Description
- Page Speed
Intaas iyo in ka badan ayaa lagaa rabaa si aad ugu guulaysato Google Rank.
Waxaan soo dhaweynaynaa aragtidiina maqaalkan gaaban, sidoo kale, waxaad na soo waydiin kartaa su’aalo la xiriira Suuqgaynta Casriga ah (Digital Marketing)
Mahadsanidiin.
Fadlan noogu soo hagaaji su'aalahaaga:
E-mail: info@sodmac.so
SODMAC Digital Marketing
website: www.sodmac.so
telfoon: 0615240102












