Qarni waliba magac ayaa loogu wan-qalaa,iyadoo
kolkaa halbeeg looga dhigayo, sancada iyo horumarka ashqaraarka leh ee
uu aadanuhu higsanayo. Tusaale ahaan, qarnigii 20-aad ee aynu ka soo
gudubnay,waxaa la oran jiray. (qarnigii warshadaha iyo sancadda) ciddii
doontaa ha u bixisee.
Sidaa si lamid ah, qarnigan cusub ee soo unkamay
sanadkii (2000) ee 21-aad, isagana waxaa loo bixiyay (qarnigii
isgaarsiinta, sayniska iyo tignolojiyadda.) Hadaba maanta war-baahintu
waxay ka mid tahay aaladaha wax lagu hago kuwooda ugu saamaynta badan,
laguna hanto quluubta dadka iyo maankooda,tiiyoo wax lagu dhisi karo
waxna lagu burburin karo.
War-baahinta soomaalida maanta iyo dadka ka shaqeeyaba,
gabi ahaan waxay isku arkaan inay hormuud u yihiin wacyi-galinta guug
ahaan umadda af-soomaaliga ku hadasha, iyo ku baraarujinta wanaagga u
horseedi kara horumar iyo aayatiin wacan. Halka in badan oo kamid ah
bulshada soomaaliyeed ee dhagaysata,daawata, ama aqrisataba ay u arkaan
(dagaal-ooga-yaal,qabqablayaal nuuc cusub) oo kusoo biiray kuwii horay
looga adkaaday,qaarkoodna ay weli nafi ku dambeyso.
In badan waxaad arkaysaa, ama aad aqrinaysaa iyadoo
dadka qaarkiis ay cod dheer ku leeyihiin. “idaacad hebla waxaa iska leh
qabiil hebel,iyo web-site hebel waxaa lagu buun-buuniyaa rabitaanka
qabiil hebel, iyo warar caynkaas oo kale ah.Hadaba ujeedada maqaalkaygan
aan ugu magac-daray (saxafiyiin isbaaro ahaan u adeegsata qaar kamid ah
qalabka war-baahinta) waxay tahay:
Waxaan aqriyay war-bixinno sidii war-maalmeedka
(dailynews) u qoran, balse lagu durayo, laguna dacaayadeynayo,
shaqsiyaad, kooxo, iyo shirkado ganacsi. si looga helo wax xoogaa
qadaadiic ah oo ay isku furtaan, sifo looga joojiyo weerarka
war-baahineed.Waxaa kasii daran,warka la iska been-abuurayo, waxaa ka
buuxa been iyo shahaada-suurnimo adduunkana lagu hoogayo aakhirana lagu
cadaab mudanayo.
Waxaan kaloo goob-joog uhaa saxafiyiin dad mas’uuliyiin
ah dhagta ugu sheegaya in jeebka loo qooyo, haddii kale ay wacdare dhigi
doonaan iyagoo adeegsanaya war-baahinta.
ILAAH ayaan idinku dhaarshaye miyaysan is-baaro nuuc
cusub ahayn???, maxayse kaga duwanyihiin is-baaroolaydii dadka calalada
ka furan jirtay, dhaca iyo dilkana isugu dari jirtay?!.
Adduunyada saxaafadda sharci iyo anshax ayaa kala haga,
ciddii ku xad gudubtana maxkamad ayaa lasoo taagaa, wuxuu mutaystana la
marsiiyaa. Inkastoo qaarkood si xun loo adeegsado, iyadoo kolkaa xeelad
iyo xoogba lagu muquuninaayo. Sidii fadeexaddii war-baahinta galbeedka
ee dagaalkii ciraaq, oo af iyo adinba la qabtay, hal dhagna wax loogu
sheegay, qaarkoodna qandaraaskii shidaalka iyo khayraadkii wax laga
siiyay.
Annaga iska-daayoo inaan sharci iyo anshax ilaalinnee,
waxaan ku dur-durinnay xuduuddii uu Eebbe noo xadeeyay, inagoo
sheeganayna inaan haysanno diinta adduunka ugu sharafta iyo karaamada
badan. Ugu dambeyn, anigu maahi wariye ama saxafi ka shaqeeya
war-baahinta maanta, macnaha -dadka qaar ayaa sawir qaldan iga qaadan
kara, oo is oran kara: “armuu kooxo duqaynayaa”. balse waxa kaliya ee
aan rabo waxay tahay.
inaan u nasteexeeyo asxaabta ku jirta ama
dhex-muquuranaysa dhaliilaha caynkan oo kale ah, iyo kuwa u tafa
xaydanaya ee aan is ogayn.Mana doonayo inaan halkan ku xuso shaqsiyaad
ma ha’ado war-baahineed, soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa “fulay
xantii ma mooga”.
Dhammaanteen Allaah ha na cafiyo, magafana waa Eebbe.
W.Q: SAYYIDCALI XUSEEN
gaabane99@hotmail.com
No comments:
Post a Comment