Saturday, September 21, 2013

MU’ASASO.((Institution) qaabkee loo dhisaa

HORDHAC.

Bismilaah.

http://www.alnajaahmedia.com/2012/11/muasaso-institution-qaabkee-loo-dhisaa/

Mu’asaso ama waxa afka qalaad loogu yeedho (Institution) waa Dhismo Weyn oo Noqon Kara:- Hay’ad,Machad,Urur,Jamaaco,Shirkad, Isbitaal, Jaamacad Ama Wazaarad iwm.
Waa Habka kaliya ee Shaqo Ee si nidaamsan oo Natiiji fiican keeni karta loogu Howl Galin karo Xoog Bulsho Iyo Xoolaha Ay Haystaan Khayraadkooda (Resources).
Waa Hab Leh Hal-beeg lagu qiimeyn karo Howlaha la qabto, iyo hadba wixii aan fulin ama fulay, Taasoo fududeynaysa in Si Sahlan wax loo saxo loona Dabaqabto wixii Dheeliya.
Waa Hab Sahlaya curinta fikrado cusub oo wax-ku-ool ah, islamarkaana fududeynaya in la Dejin karo Istiraatiijiyad iyo Qorshe ku dhisan aragti wax badan laga baaraandagay Dhinacya Badanna ka qeyb qaateen.
Hadaba Inaga oo Maanka Ku hayna Muhiimadda iyo Ahmiyadda Ay leedahay Mu’asasadu, Ayaan Jecleystay in aan idin la wadaago Maqaal Cimiyeedkan aadka u kooban asse wax badan ka badali kara Hadba Mu’asasada aad Mas’uulka Ka Tahay ama Xubinta Firfircoon.
WAA MAXAY AAS’AASKA AY MU’ASASAADKU KU DHISMAAN.
Waxaa jira 4 UDBOOD Iyo 12 DHIGGOOD Oo Mu’asasadii (Hay’ad,Machad,Urur,Jamaaco,Shirkad, Isbitaal, Jaamacad Ama Wazaarad iwm.) laga helaa Noqoneyso Mid Guuleysata, Wax qabad iyo Horumarna Gaarta, Islamarkaasna Ayaan u Yeelata in ay Kheyrkeed Dhaafto.
Hadaba Waa maxay 4-ta UDBOOD Iyo 12-ka DHIGGOOD?
Waxaa Jira Halku-dhig Lagu Xifdin Karo 4-ta UDBOOD Iyo 12-ka DHIGGOOD,Kaasoo ah (1,4,5 ,2).
Intaa Kadib Waxaan Falanqeyndoonnaa Haduu ALLE Idmo 4-ta UDBOOD Iyo 12-ka DHIGGOOD.

UDUBKA 1-AAD.
QORSHE.
Qorshaha aan Halkan Kaga Hadleyno Waa Qorshe Istiraatiijiyad ku Dhisan Asse aan Ku Dhisneyn Laab-la’kac iyo Riyo maalmeed ,Ama Waxa Aan Ugu Yeero “Isku Dhufsi Xisaabaad Qaldan”.
UDUB-kan waa UDUB muggiisa Iyo Miisaankiisa Leh, Lagama Maarmaanna U ah Mu’asasadda Jiritaankeeda, la’aantiisna Mu’asasadu Noqoneyso Wax Aan caga adag ku Taagneyn
UDUB-kan Wuxuu Lee yahay 1 DHIG, Kaa soo ah:-
1. Istiraatiijiyad & Saadaalin.
Mu’asasadu waa in Ay Leedahay Istiraatiijiyad Cad oo Ku Dhisan sadex arimood:-
a) Fiirinta iyo Indha-indheynta Tixanaha taariikheed iyo Uruurinta Macluumaad wax Lagu Dhisi Karo (Analysis).
b) Daraaseynta Waaqica Iyo Wadciga Lagu nool Yahay si ka dheer isyeelyeel iyo Runta OO La Garab maro.
c) Sahminta iyo Odoroska Mustaqbalka (future forecasting) iyadoo la Qaadaa-Dhigayo Caqabadaha Iman Kara, Sida looga Hortagi karo iyo wadooyinka Loo Mari Karo Ka Mira-dhalinta Ahdaafta Mu’asasadda.
Istiraatiijiyaddu waxay fududeyneynsaa Go’aan Qaadashadda Mu’asasadda islamarkaana waxay yareyneysaa Qaladaadka Dhici kara.

UDUBKA 2-AAD.
TIIRARKA SHAQADDA.
UDUB-kan Wuxuu leeyahay Afar DHIGGOOD Oo ka farcama, Waxayna Kala Yihiin:-
1. Hoggaan.
Hoggaan la’aan waa indho La’aan.
Hoggaamintu Waa Cilmi Aad loo Barto Waqtigan, Balse Markiisi Hore Uusan u uruursaneyn sida uu Maanta U uruursan yahay,Ee Sida Sahlanna loogu Baran Karo, looguna Tababari karo Shaqsiyaad Xul ah oo Karti iyo Hufnaan lagu tuhmayo.
Hoggaaminta waxaa Loo kala qaadaa; Hoggaan guud iyo Hoggaan Taqasus ah, Ta Taqasusuka ah Waxaan Tusaale Uga Dhigi Karnaa:-
Hoggaamiye Meleteri, Hoggaamiye Siyaasadeed,Hoggaamiye Dhaqaale, Hoggaamiye Diimeed, Hoggaamiye Urur, Hoggaamiye Caafimaad, Hoggaamiye Tignoloji iwm.
Mu’asasadu waa in ay Tababartaa Hoogaan leh Tayo, Wax Qabad Fiican, Aragti Dheer, Himilo Iyo Han Wayn.
Mu’asasadu Waa In ay diyaarisaa Jiil U leylsan Hoggaaminta Mu’asasadda Mustaqbalka, Kuwaasoo Dhigaal iyo keyd U ah Mu’asasadda.
Hoggaan la’aan Mu’sasadu ma Shaqeyn karto Wayna dumeysaa Hubaashii.

2. Xubno.
Sidaa Si la mid ah Haddii Aysan mu’asasadu lahayn Xubno ka Tirsan Ama Shaqaale ka shaqeeya, waxaa iyana Hubaal ah in Ay Meeshaasu waxba Oolin, Riyo Iyo Sheeko Baraaleyna Lagu Hayo.
Mu’asasadu waa in Ay Leedahay Hab Iyo Hannaan Ay Ku Xulato Xubnaha Ka Mid Noqonaya, Ama Haday Shirkad Tahay Shaqaalaha ay Howl-galineyso.
Sidaa Si Lamid ah Waa In Mu’asasadu leedahay Hab ay ku kala soocdo Xubnaheeda, Kuna Qiimeyn karto Aqoonta,Kartidda, Hufnaanta iyo Howl-qabadka Xubnaha.
Mu’asasadu Waa in ay Leedahay Hab Ay Ku Dhiiri Galiso Xubnaha Howsha Sida Wanaagsan U Qabtay. Sida Iyagoo La Abaal-mariyo,Shahaado Sharaf Lasiiyo, iyo iyadoo Xubnaha Kale Hortooda lagu Ammaano iwm.
Waxaa Iyana Lagama Maarmaan ah in Mu’asasadu leedahay Hannaan ay Ku Ciqaabto Xubnaha/Shaqaalaha Dibindaabyada Kuwada Horu-socodkeeda, ama shaqada Faddiid Ku Noqda.
3. Manhaj.
Manhaj Waa Dariiqa iyo Habka Shaqada loo daadihinayo taasoo leh Heerar iyo Marxaladdo Kala duwan, Kuwaasoo Ugu Dambeyntii Ay Mu’asasadu Ku Xaqiijineyso Gaaridda Yoolkeeda iyo Ahdaaftii Loo Aas’aasay Kolkedii Hore.
Mu’asasaddu waa in ay Leedahay Aadna loo Qeexaa Fikradda Guud (Vission) Ee ay Higsaneyso Islamarkaasna Kusoo Bisha Shubtaan Dhammaan Shaqadda Ay laamaheedu Hayaan.
4. Nidaam.
Nidaamku waa Kala Dambeynta Hoggaanka Iyo Xubnaha Mu’asasadda.
Nidaamku Waa Sharciga Iyo Xeer Hoosaadyadda Mu’asasadda.
Nidaamku Waa Ilaalinta Sharciga iyo Xeerka, Waa Xaq-dhowrka Xuquuqda iyo Waajibaadka Lakala Leeyahay.
Nidaam La’aan Waa Fowdo ama Qarbudaad, Haddii Uusan Nidaam Jijin Mu’asasadda Dhexdeeda Waxaa Shaki Ku Jirin In Ay Burbureyso.

UDUBKA 3-AAD.
TIIRARKA TARTANKA.
Mu’asasadii Xooga Saarta, Maalin Iyo Habeena Ka Shaqeysa 5 Arimood waxaa loo Badiyaa in Ay barqa Cad Uga Tageyso Mu’asasaadka kale Ee Latartamaya Balse aan 5-tan Arimood Xooga Saarin Ama Uusan Qorshuhu Ugu Jirin.
UDUB-kan Waxaa ka Farcama 5 DHIGGOOD, Waxayna kala Yihiin:-
1. Tababar.
Bini’aadamku Waa laf-dhabarka Mu’asasaadka, La’aantoodna aysan ba jiri Karin Mu’asaso. Inta Kasoo hartay waa waxa Soo Labeeya iyaga.
Tusaale Waxaa Loo Soo Qaataa; Haddii dadka Reer JAPAN La Geeyo Mid kamid ah Dowladaha AFRIKA, Islamarkaasna Dowladdaas AFRIKANKA Ah Dadkeeda La Geeyo Dalka JAPAN Maxaa Dhici Kara!!!. Bal Adiguba Qiyaas?. Waxaa la Filan Karaa In Dib-u-socod iyo Burbur Ku Yimaado Dalka JAPAN, Waxaana La Qiyaasi karaa in Horumar iyo Dhisme Uu Ka Bilowdo Dalkaa AFRIKAANKA ah. Biya-Dhaca Warkuna waa (DADKA). Iyo Sida ay u fikirayaan, u Ilaalinayaan wada Jirka, ISUGU XAQ-DHOWRAYAAN RA’YIGA IYO KALA ARAGTI DUWANAANSHAHA, ukala AQOON Iyo Xirfada Badanyihiin.
Waxaa lama huraan ah in Tababar iyo Tarbiyo joogto ah la siiyo Xubnaha Mu’asasadda, haday Noqon Lahayd Aqoon, Xirfaddo Sida; Xalinta Mashaakisha/khilaafaadka, Koox Uwada Shaqeynta, mabaadii’da, Qiyamka Iyo Akhlaaqda iwm.
2. Farsamadda Casriga.
Markasta Oo Ay Mu’asasadu isticmaasho Farsamadda carsiga Sida: Tiknologiyadda (Technology) ama Culuumta kale Ee Waxtarka Leh waxaa cad In Kuwa La Tartamaya aysan Gaari Karin.
Qarnigan 21-aad Ee Aynu Noolnahayna Kumaba Sii Jiro, Maxaayeelay waxaa Loogu Waqlalay Qarnigii ISGAARSIINTA (TECHNOLOGY-ADDA)
Nuuca Tignooloojiyadda ay Mu’asasadu isticmaaleyso waxa ay ku xiran tahay Shaqadeeda. Tusaale, Haddii Ay Mu’asaso Caafimaad tahay waxa ay isticmaalaysa Tegnooloojiyadda Cafimaadka Qeybaheeda kala Duwan. Haddii Ay Tahay Mid Warbaahineed, Dabcan Waxay isticmaaleysaa Midda Warbahinta Qalabkoodu isticmaalaan.
3. Adeeg Hufan.
Mu’asasado waa In ay U Adeegtaa , Weliba Adeeg Ay Ka muuqato hufnaan , Tayo iyo Dhimrin Guud Ahaan Dadka Iyo Bulshada Adeegeeda Ku Xidhan.
U Adeegidda,Daryeelka Iyo Xanaaneynta Xubnaha Mu’asasadu waa Muhiim, Maxaayeelay Xubnaha Mu’asasadu Waa Matoorka Dhaqaajiya Mu’asasadda. Hadaan Sidaa Layeelinna waa Bilowga wadada Burburka iyo Habacsanaan Ku Timaadda Shaqada.
4. Suuq-geyn.
Suuq-Geyntu Waxay Noqon Kartaa Mid muuqata (Advertisement) Iyo Mid aan Muuqan (Akhlaaq, haybad, Sumcad Iyo Qiyam)
Macno Sidaa U Weyn Sameyn mayso Mu’asasadii Aan Suuq-Geyn Loo sameyn Fikiradeeda, Adeegeedda, Badeecadeeda iyo Magaceeda ba.
Mu’sasadu Waa In Ay Dhistaa koox U tababaran Sharaxaad Ka Bixin karta Mabaadii’da iyo Ahdaafta Mu’asasadda iyo Sidaa soo kale guulaha Ay gaartay Mu’asasadu intii ay soo Jirtay.
Mu’asasadu waa in Ay meel Dhigtaa Qorshahana Ku Darsataa miisaaniyadda Kooxdan, maxaayeelay waa Tiir Gooni U Taagan oo aysan Kamaarmin Mu’asasadu.
5. Curin Ama hindise.
Mu’asasadu Si Ay uga Dheereyso Kuwa La Tartamaya waa Inay Leedahay Dad U Curiya Fikrado Cusub oo Ay Kaga Duwan Tahay khayrkeed, Horteedna Aan la Hayn ama aan lasoo Bandhigin.

UDUBKA 4-AAD.
KAABAYAAL.
UDUB-kan Waxaa ka Farcama 2 DHIGGOOD, Waxayna kala Yihiin:-
1. Xarun Dhexe.
Mu’asasadu waa In ay Leedahay Xanun Dhexe iyo Sal-dhig Weyn oo Ay ka Ambaqaaddo. Maxaayeelay Garab-Ku-Rarasho Mu’asaso kuma Shaqeyn Karto.
Laamaha Mu’asasadu Ay Ku Leedahay Dalalka, Goboladda, Degmooyinka, Tuulooyinka iyo Xaafaduhu Waxay kaalin Libaaxeed Ka Ciyaraan sameynta Xiriirka Dadweynaha, Awoodda Mu’asasada Ay ku Dhexyeelanayso Bulshada Dhexdeeda iyo Barashadda Magaceeda Iyo Adegeeda.
2. Maal.
Ugu Dambeyntii Maalku Waa Hal-bowlaha Iyo Wareegga Dhiigeed Ee Ay Mu’asasadu ku Shaqeyso.
Maalku waa fududeeyaha howlaha Mu’asasadda, La’aantiisna Waa Fadhiidnimo.
Mu’asasadu waa in ay leedahay Il Dhaqaale
Mu’asasadu waa inay leedahay maal ay ku howlgaliso Waaxeheeda iyo Xubnaheeda.
Sidaas Oo Kale waa In Ay Leedahay Nidaam hanti-Dhowr , shafaafiyad iyo Xisaab Xil Maleh Ku dhisan.
Mu’asasadu waa in Ay dajisaa Miisaniyadda Guud Ee Mu’asasadda.

GABAGABO.
Sida Ay Sheegen Culimadda Cilmigan Taqasusuka U Leh , waxaa Tijabooyin Iyo Daraasaad lagu Ogaaday In Mu’asasadii aan Haykalkeeda Ku Dhisin UDBAHAAS Iyo DHIGAHAAS In Ugu Dambeyn Natiijadeedu Noqoneyso Burbur.
Gabagabadii waxay ila Tahay in aad Ka Bogateen Mowduuc Qiima Weyn Xambaarsan. Anoo isku dayay In Aan Aaad usoo Koobo maadaama Uu Aad u Balaadhan Yahay una Gun-Dheer yahay.
ILAAHAY ha ka dhigo Qormadeydan Mid Ay Ku Intifaacsadaan UMADDA MUSLIMKA AH.
Waxaan idin Ka Codsanayaa in Aadan Iga Hilmaamin DUCADIINNA.????

ISHA XUQUUQDA: Channel-ka Al-Risaala (Kuwait)
XIGASHO: INTERNET.
WD : SAYYIDCALI XUSEEN GAABANE.
E-mail: GAABANE99@HOTMAIL.COM

1 comment: