HALKAN RIIX
Xaruntii Ummadda, Magaala-madaxdii Dalka, Caasummaddii iyo xuduntii
Soomaali-weyn, Waana xaruntii isku xidhi jirtay ilaa haddana isku xidha
bah-weynta iyo bushada soomaaliyeed.
Inta uusan Qaran-Jabku dhicin Soomaalidu Waxay ku soo hiran jireen
dhan walba iyo baahi kasta oo ay qabaan Muqdisho, Haday noqon lahayd
adeegyadda bulshadda sida: waxbarashadda, caafimaadka, shaqadda iyo wax
yaabo kaloo fara badan.
Arintaas kolka dhan laga eego waa wax wanaagsan, docda kale na haddii
la iska taago ma qumana in baahidda Dadka oo dhan ay ku xidhnaato
Magaalo qudha, oo waxaa aad u qurxoonaan lahayd in lagu balaadhiyo guud
ahaan Goboladda Dalka.
Sidaa soo kale maanta oo uu Dalkii burbursan yahay na weli Magaaladda
Muqdisho waa halbowlaha iyo dunta isku xidha Ummadda Soomaaliyeed. Bal u
fiirso tusaale ahaan Qiimaha Sarifka lacagaha qalaad waxaa lagu
jaan-gooyaa kolba heerka iyo qiimaha uu ka joogo Magaaladda Muqdisho.
Magaalooyinka
Garoowe,Hargeysa,Gal-kacyo,Cadaado,Balad-weyn,Jowhar,Kismaayo iyo
Dhoobley oo ku taal xudduudda Kenya-Soomaaliya dhammaantood waxay ku
sar-go’an yihiin ascaartooda oo Mood iyo Nool ba leh Magaaladda
Muqdisho, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Arimahaas oo dhan waxay ku tusinaysaa in Magaaladda Muqdisho weli ka
go’in quluubta Dadka Soomaaliyeed Qurba-joogoodda Iyo Qaran-joogooda ba.
Waxaase kasii qosol badan in qof kastaa oo Soomaali ah oo Qaxootinimmo
isu dhiibaya ama iska diiwaan-galinaya Xafiis, uu sheegto inuu ku
dhashay Magaaladda Muqdisho.
Magaaladda Muqdisho waa Magaalo Taariikh fac-weyn ah leh, wax badanna ay ka qoreen Qalinley Soomaali iyo Ajnabi ba isugu jira.
Waa Magaallo ay isaga kala dambeeyeen Boqortooyooyinkii Adduunka mar
ka talin jiray iyo xadaaradihii kala gadisnaa ee nolosha bini’aadamka
soo maray qaarna uu weli raadkoodu qoyan yahay.
Inkastoo marmarka qaar
aad is oran karto Soomaalidu Xaddaaradba maleh, waligood na Dowladnimmo
sooma arag kolka aad eegto habdhaqankooda bahalnimadda ah iyo sida aysan
nolol ilbaxnimo iyo isqadarrin ku dhisan ugu wada noolaan Karin,
isuguna quurin walaaltinimo iyo wax wada qabsi, tiiyoo ay wax walbaa
wadaagaan, Diin, Af,Dhaqan iyo Midab ba. Waana arinta layaabka ku
noqotay bulshada adduunka lagana dhaadhicin Karin inay is dilaan isna
gumaadayaan dad wadaaga wax walboo busho ay wadaagto.
Waxaa kaloo kasii yaab badan in Soomaalida labadii is wareysata ba ay
yihiin walaalo, ilma adeerro, ilma abti, seediyaal, ama dad xidid ah
ugu yaraan bal adigba arintaas baaritaan ku samee?.
SOOMAALIDU WAA MID
QUDHA, SINJIGA SOORACA IYO AFKABA, DIIN KALA SOOC SOOCANTIYO, MALAHA
WAXAY KALA SITAAN.
SOCDAALKEYGII.
Waxay ahayd maalin Isniin ah Taariikhduna ku beegnayd 8-dii Ferraayo
Sanadka 2010. Waxaan Diyaarad Ganacsi oo rakaab ah kasoo raacay Gagidda
Caalamiga ah ee JOMO KENYATTA INTERNATIONAL AIRPORT eek u yaal xarunta
Dalka KENYA EE Nairobi abaarre 7:30 Subaxnimo.
Muqdisho iyo Nairobi sidaa uma kala foga oo Diyaaraddu waxay hawadda
ku jirtay qadar saacad iyo 20 daqiiqo ah. Waxa ugu horeeya ee qofka
Muqdisho kasoo daga uu dareemayo waa Hafi wax xoogaa kulay ah wadata,
siiba waxaa aad u dareema arintan dadka qurba-joogta ah ee dalalka
qabowga badan ku noolaa amaba ku nool hadda, hadana maaha hawaddu mid
wax kuu dhibeysa oo waa cimilo dhexdhexaad ah oo aysan jirin wax lagu
doorsado macaanka ay qabto ( qofkii yaqaan ayaa yaqaan).
MADAARKA MUQDISHO
Garoonka Caalamigaa Ee Aadan Cadde International Airport (Ex Muqdisho
International Airport) Waa garoon aad u weyn kolka la barbardhigo
Garoomadda qaar ee adduunka ku yaal gaar ahaan Caasimado dhowr ah ee ku
yaal Qaarad weynta Afrika. Burburkii iyo baabi’ii Dalka wada cammimay,
saameyn aan sidaa u buudhnayn ayaa Garoonka ka soo gaadhay, kadib markii
kooxo wax magarata ah ay ka qufteen oo ay kala baxeen jaygii iyo
laamiggii ku dhisnaa waddadii ay Diyaaraduhu ku ordi jireen (Runwey-ga).
Alle mahaddii inta badan Garoonku wuu badbaaday, Inkastoo uu muddo dheer
u qabirnaa Hogaamiye kooxeedyadii Dalka mar ku amar ku taaglayn
jiray.Waxaana ALLE fadligiis dib mar kale ufurmay ilo kamid ah
kaabayaashii dhaqaalaha Dalka waa Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda weyn
Ee Muqdisho.
Madaarku wuxuu Xarun Kmg Ah uyahay Ciidamadda ka socda Midowga Afrika
Ee AMISOM loo yaqaan. Kuwaasoo ilaaliya Guud ahaan Xarumaha Dowladda
sida: Madaxtooyada,Madaarka iyo Dekadda weyn Ee Muqdisho, waxaana intaas
u dheer oo ay ilaaliyaan Madaxda Dowladda KMG.
Habsami usocodka Madaarku waa mid xowli ku socda, inkastoo marka ay
Madaxdu dhoofayso ay hakad galaan howluhu sababo ammaan iyo duqeymo lala
beegsado.Madaarku waa mid aad u mashquulsan oo waxaa isticmaala
Diyaaraddo ganacsi oo gaar loo leeyahay, islamarkaana u kala goosha guud
ahaan Gobolka Geeska Afrika sida: Nairobi,
Djabuti,Kampala,Hargeysa,Barbara,Galkacyo,Muqisho iyo kuwo kala ba.
Sidaasoo kale waxaa ka dhoofa Madaarka Muqdisho Diyaarado duulimaad toos
ah ku taga Gobolka Bariga dhexe.Dhanka kale wax kastoo shaqeeyaa
dhaliil ayay leeyihiin.
Kolley aniga ahaan intii yareyd ee aan ku sugnaa
Garoonka dhexdiisa waxaa ii muuqday ceebo iyo agaasima-xumo ay ku ka
cayeen qaar ka mid ah shaqaalaha Madaarka.Tusaale ahaan kolka aan kasoo
daggay Garoonka waxaa igu soo yaacay dad aan wadan wax dareys ah ama ugu
yaraan aysan ka muuqan astaamaha lagu yaqaan shaqaalaha Madaaradda
Caalamiga ah, midba dhan ayuu ii jiitay, mid wuxuu igu canaantay inaan
markale dhiibo lacagtii tigidka diyaaradda tiiyoo aan horay u dhiibay, waxaa layaab igu noqotay in uu igu
yidhi diyaaradda deyn ayaad kusoo raacday!- waa yaab !- oo sidee
diyaarad deyn loogu soo raacaa?.
Kadar oo dibi dhal mid kale ayaa leh
“adigu ajnabi ayaad tahay, dalka gali maysid jeer aad $50 dhiibto”. Mid
kale ayaa si hal haleen ah ii jiitay oo igu yidhi “ TAX ayaa bannaanka
Garoonka iigu baakiman ee soo dhaqaaq “ kkkkkkkkk waxaa kasii daran in
mid kale igu sharciyeeyay inaan dhammaan sarifto lacagaha qalaad ee aan
sito inta aanan garoonka ka bixin, malahayga ninkan dambe wuxuu ahaa
SARIFLE doonayay inuu qiima jaban iiga badasho wax xoogaaga aan sitay oo
qalin-shubato ayuu iila muuqday.
Intaas oo mushkiladood waxay igu dhacayaan mar qudha iyo meel qudha,
bal adigu sawirro fowdada intaa la eg. Koley anigu waxan ku tilmaamay
sidii maqaxi koox gaar ah u futantahay iyo boosteejooyinka ama astaamaha
gawaaridda laga raro oo aalaaba waa meelo saxmad miidhan ah buuquna uu
ku badan yahay ….aragtideyda…., maxaayeelay nidaamkii Dowladnimmo meesha
kama muuqan.
QADKA CAGAARAN.
Magaaladdu waxay u kala go’antahay laba qeybood, waa qeybta ay
Dowladdu joogto iyo qeybta kale oo ay Mucaaradku ka taliyaan. Xadka kala
qeybiya wuxuu kasoo bilowdaa dhanka Xeebta Liido, isagoo soo dhexmara
Degmooyinka C/Caziis,Shibis,Boondheere,Wardhiigley,Hodan iyo Howlwadaag.
FG. Wax badan ayaa is badali kara bacdamaa uu jiro isriixriix. Waxaan
ukala qaadayaa laba Gaddi, Gadigga Dowladda iyo Gadigga Mucaaradka.
GADIGGA DOWLADDA.
Marka si loo fiiriyo way ka saxmad iyo buuq badan tahay dhanka ay
Mucaaradku ka arrimiyaan, sababtuna waxay tahay way ka madfac iyo
hoobiye yar tahay, inkastoo mar marka qaar uu ku hoobto. Dadka
Magaaladda dagaaladda fool ka foolka ah waxay ka neceb yihiin
madaafiicda la is weydaarsado oo magaaladda afarteeda koono lagu
garaaco, maxaayeelay waxaad ka garan kartaa magacyada ay ula baxeen iyo
sida ay uga qeyla-dhaammiyaan kolka lagu xasuuqo. Magacyadda waxaa ka
mid ah: Fooryaaye, Rujiye, Kii Weynaa iyo kuwo kale ba.
Dhanka Dowladda kaso kow madaafiicda oo aad ugu yar marka la
barbar-dhigo dhanka Mucaaradka, hadana Dadku waxay aad uga cawdaan dhaca
joogtada ah oo ay kula kacaan ciidamadda Dowladda ama ugu yaraan Rag
soo labbista dareyska ciidamadda lagu yaqaan balse qowleysato ah oo aan
ciidamada shaqo ku lahayn.
Dhanka ay dowladda ka taliso Gabdhaha
indhashareerka xirta aalaaba way iska faydaan sifo aan loogu tuhmin inay
shirqool maleegayaan. Waxaa ku badan dhanka ay Dowladda maamusho
qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ay fuliyaan ama lagu eedeeyo
dhinacyadda Dowladda kasoo hor jeeda.
Sidaasoo kale Askarta Dowladda
ayaa marmarka qaar dhexdooda is dirira oo waxyeelo isgaadhsiiya ama dad
shacab ah ay wax kasoo gaadho rasaasta ay tuurayaan.
Ciidamadda Dowladda ma aha kuwo ay ka muuqato haybaddii iyo sharaftii
lagu yiqiinay Ciidamaddii qalabka siday ee Soomaaliya oo Booliis,
Militari iyo Nabad-sugid ba lahaa. Waa Ciidan ay weli ka muuqato
saameyna uu ku yeeshay dagaalkii sokeeya ee Dalka burburiyay, kolka aad
aragto hab-dhaqankooda mooryaanimadda, dhaca iyo boobka ku salaysan oo
ay Dadka kula kacayaan.
Taa macnaheedu maaha in Ciidamadda dhammaan ay
sidaa wada yihiin, Hasayeeshee waa dhaliil weyn oo aad u muuqata
indhahana aan laga laaban Karin.
Dowladdu waxay maamushaa Xamartii hore ee Qaddiimka ahayd sida
Degmooyinka: Xamarweyne,Shangaani,Xamar-jajab,Waabari,Boondheere
iyoDegmadda Madiina.
Sidaa soo kale waxaa jira Degmooyin ay isku
horfadhiyaan kooxaha ka soo horjeeda oo labada qola ba midna gacan
buxda kuma hayo sida Degmooyinka C/Caziis,Shibis,Wardhiigley,Hodan iyo
Howlwadaag.
Waxaan ku arkay Magaaladda Muqdisho Qad-cagaaran oo si iskiis ah u
sameysmay kolka aad eegto sida ay Magaaladu u kala xidhan tahay oo ay
ukala qeybsan tahay, Waxaa dhanka Dowladda looga tallaabaa labo wado
middood oo kala ah :Ex koontarool Afgooye iyo wadda isgoyska Dabka ee
Degmadda Waabari, inta kale waa goobo la isku horfadhiyo oo uusan qofna
mari Karin.
Labada dhinac ee Siyaasadda Dalka maanta isku haya mid ba midka kale
magac gaar ah ayuu ula baxay oo aan ahayn kan rasmiga ah ee ay isugu
wan-qaleen.
Dowladdu waxay u taqaanaa mucaaradka Nabad-diid,
Ajaanib,Dhalinyaradda la qalday iyo kuwo kale, (waa sidey ugu
yeedhaane). Mucaaradkuna sidaasoo kale waxay u yaqaanaan Dowladda
Murtadiin iyo Gaalo diinta islaamka ka baxay (waa siday hadalka u
dhigaanne) afkaartooda waa mid aad ukala fog dadka shacabka ah na lama
dhacsana sida ay wax u socdaan.
GADIGGA MUCAARADKA.
Joqoraafi ahaan dhulka ay ka taliyaan Mucaaradka aan isku ujeedada ahayn, wuu ka baaxad weyn yahay dhinaca ay dowladdu joogto,
Waxaa si isku dhaf ah uga taliya Ururadda Alshabaab iyo Xisbul Islaam,
oo midba amar soo saara, oo misana ka hirgaliya xoog iyo xeeladba.
Ururadan xiriir adag kama dhexeeyo, waxa kaliya oo ay isku waafaqsan
yihiin na waa af-gambinta iyo rididda DKMG ah ee Muqdisho fariisinka u
ah.
Mar kasta waxaa la filan karaa dagaal dhex mara labadan koox, kolka la
eego hadaladda taagtaagan ee ay Warbaahinta isu marinayaan. Inta aan
joogay Magaaladda waxaa xowli ku socday dilal qorsheysan oo ay kooxuhu
isku ugaadhsanayaan tiiyoo dagaal weyn uu isla kooxahan ku dhex maray
Goboladda Jubbooyinka ilaa hadana weli halkaas ka socdo.
Dhanka kale waxaa muhiim ah in kolba dhan la iska taago waxa markaa
laga hadlayo. Hadaba waxaa la iska indha tiri Karin Amniga iyo
Nabadgalyada ka jirta dhulka iyo deegaanadda ay kooxaha mucaaradku
maamulaan.
Dhacdooyinka amni-darada ah ee ka dhaca Degmooyinka ay joogaan
Muacaaradku waa kuwo fara kutiris ah ama waxaa la oran karaa waa waxaan
jirin aniga aragtideyda, maxaayeelay waxaan arkay guryo muddo 2 sano ka
hor laga qaxay alaabtiina ay dhextaallo oo weli aan qaado laga qaadan
cid waardiyeysana aysan jirin, sababtuna waxay tahay in ay gacan bir ah
ku hayaan amniga oo hadii ay arkaan ruux ku kacaya waxyaabo amniga lid
ku ah ama iyaga mashruucooda kasoo horjeeda waxaa la mariyaa ciqaab aad u
adag, sidaa daraadeed dadku aad ayay uga baqayaan sax iyo qalad waxay
sameyn lahaayeen ba.
In qof kastaa la marsiiyo abaalkiisa sifo uu amnigu usii jiro waa wax
aad ammaan iyo bogaadin u leh, balse waxaa aad loogu dhaliilaa kooxahan
dhulkan ka taliya in markasta ku amar ku taagleeyaan dadka oo misana ku
kacaan arrimo aan waafaqsaneyn Shareecadda Islaamka sida:
Dadka oo sida xoolaha loo bireeyo, cabsi galin joogto ah, handadaad
iyo caga-jugleyn iyo ciqaab aad u adag oo ay fulinayaan dhalinyaro aad u
da’ yar tiiyoo aan loo aabbe yeelin nuuca ciqaabeed ee dambiilaha ku
habboon, sidaa soo kale dhalinyaradda ciidanka u ah kooxahan dadka ayay
jir dilaan ama ugu yaraan garaacaan iyagoo aan marsiin habka
caddaaladda iyo maxkamadaha.
Tusaale ahaan maalin baan isa soo dul taagay laba wiil oo dhalin yaro
ah oo ahaa Kirishbooyo ama Nacamleeye .. sida ay dadka qaar u
yaqaaniin- waana wiilasha rara gawaaridda ukala gooshta inta u dhaxeysa
Muqdisho iyo Afgooye. Waaxaa ciqaabayay dhalin yaro kale oo ciidamada
ka tirsan, dambiga kaliya ee aadka loogu ciqaabayayna waa kaliya !
iyaga oo isku qabqabsaday dad rakaab ah.
Dadweynaha aad bey uga cawdaan kooxahan, waxaana ka mid ah in aad loo
caburiyay dadka oo aysan dhaliili Karin ama wax ka sheegi Karin
qaladaadka ay ku kacayaan dhalinta ciidanka u ah inay ammaanaan mooyee,
taasoo si ugu eg habdhaqanka kali-talisnimadda. Nin baa maalin igu yidhi
mar uu hadal iga soo baxsaday AFKAAGA GARIIR SAAR , kolkaan weydiiyay
na wuxuu war iigu soo koobay sida mobile-ka ama telfoonadda gacanta
gariirka (vibrating or silent) loo saaro afkaaga gariir u saar macnaha
aamus oo afkaaga xidho haddaad rabto inaan magaaladan ku noolaato cidna
afaarahooda ha galin. Intaan joogay Magaaladda gaar ahaan dhankan ay
qolyahan mucaaradku ka taliyaan weli kuma arag laba qof ama koox dad ah
oo intay meel isugu yimaadaan ka sheekeysta arrimo Siyaasadda iyo
dagaaladda la xidhiidha ama ugu yaraan faaqidda wadciga uu Dalku marayo
sababo cabsi iyo iyagoo ammaankooda u baqanaya xaaladduna waa “afkii baa
juuq na gabay”.
Dhanka kale deegaanadan aan ka sheekeynayo waxaa aad ugu badan
madaafiic tiro-beel ah oo ay soo hurgufayaan ciidamadda AMISOM, iyo ku
DKMG ah, waana sababta kalliftay inay dadka aad uga barabaxaan oo ay
geedaha hoostooda seexdaan ama ugu yaraan u cararaan dhanka dowlladda
bacdamaa ay ka madfac yar tahay.
Sida dad badan ay isla qireen madaafiicda waxay aalaaba kusoo
hoobtaan dhankan ay mucaaradku joogaan kolka kooxaha dowladda ka soo
horjeeda ay hoobiyeyaal ku tuuraan xarumaha ciidamadda AMISOM iyo kuwa
dowladda.
Waxaaba sheeko caan ah noqotay in marka madfac qolooyinkan mucaaradku
ay tuuraan jawaab degdeg ah ay kasoo bixiyaan ciidamadda Afrikaanka ah,
taasoo ay dadku magacyo dhowr ah u yaqaanaan sida (flash iyo soo
wicitaan) oo ay ka mataleen telfoonka gacanta.. Madaafiicdu waa kuwo
isdaba joog ah oo baas usoo dhaca sida qoryaha darandooriga u dhaca oo
kale, malahaygu ruux Bini’aadam ah ma ridee Barees Koronto ayaa ku
xidhan oo lagu ridaa oo shan shan iyo toban toban ayay!
halmar usoo dhacaan ilbiriqsiyo gudahood. Xasuuqa ugu badan ba’anna wuxuu ku dhacaa suuqa Bakaaraha.
SUUQA BAKAARAHA
Suuqa Bakaaraha inta taqaan way taqaan intaan aqoonse waa Suuq aad u
weyn oo halbowle u ah guud ahaan ganacsiga Soomaaliya gaar ahaan
Magaaladda Muqdisho.Muddo aan sidaa usii fogayn Suuqu wuxuu ka koobnaa
Baqaarro iyo Sandaqado Jiingado ka sameysan, wixii ka dambeeyay
duullaankii Ciidamadda Xabashiddu ku qabsadeen Magaaladda Muqdisho,
waxaa aad usoo batay dhismayaasha shubka adag kasameysan ee dabaqyada
ah, taasoo ay dadku ku micneeyeen in madaafiicda looga gabbado ama ugu
yaraan looga gaashaanto dabka aalaaba ka kaca Suuqa oo ay hanti badan ku
gubato.
Suuqa Bakaaraha waa meesha kaliya ee ugu saxmadda badan illaa hadda
Magaaladda Muqdisho, dadka ku ganacsada iyo kuwa usoo dukaameysi taga ba
waxay isaga kala yimaadaan Magaaladda afarteeda gees. Suuqa maalmana
howlihiisu si habsami leh ayay u socdaan halka maalmaha qaarna meydka
iyo dhaawucu isdhex bilqan yahay madaafiicda culculus owgood oo dhagixii
latuuraa qof ayuu ku dhacaa.
Suuqan waa xarunta ay ka biyo cabbaan Ururadda Dowladda kasoo horjeeda tiiyoo ay taal hanti badan oo ay soomali leedahay.
Dhan marka laga eego Suuqu waa meelaha ugu dhismaha badan misana ugu
dhaqdhaqaaqa badan, waa Suuq soo dhaweeya Dadka dan-yarta ah, waa Suuq
ay taal hantida ugu badan Dalka Soomaaliya.
Dhanka kale waa Suuq musuqmaasuq badan waxaana ku yaal Xarumo
waaweyn oo lagu sameeyo waxyaabaha la been abuuro waxaana loo yaqaan
C/dalla Shiddeeye. Sidaasoo kale waxaa laga heli karaa oo lagu iibiyaa
Hubka nuucyadiisa kala gaddisan. Suuqu wuxuu kaabigga ku hayaa aagga uu
dagaalka ka holcayo sidaasoo ay tahay hadana Dadka ku ganacsada kuma ba
jirto wax cabsi ah ama walwal ah oo howlahooda ayay iska wataan,
qaarkoodna kamaba war hayaan waxa ka dhacaya dhanka kale ee Suuqa haddii
Dad iyo Duunyo ku rogmadaan, marka uu madfac ku soo dhaco Dadka waxay
ku dhuuntaan guryaha shubka ka sameysan oo wax xoogaa dhaama meelaha
kale, kana qasaaro yar. Xaafadaha ay Dadka Shacabku daganaayeen iyo
inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaal dhankan ay joogaan Mucaaradku
waa kuwo burbursan, Guri ma jiro illaa rasaas ayaa ku taal, maxaayeelay
tan iyo waagii Xabashidu Dalka soo galeen madaafiicdii ku billaabatay
ayaa ilaa hadda ku socta.
Xaafadihii Dadku ku badnaan jiray manta waa cidlo, iska daa Dade
Duunyo kuma dhaqna waa Howd waxaana aad ugu badan Geedka Cali-garoobka
looyaqaan Dadka qaarna u yaqaanaan Geed-yuhuud iyo Boocbooc ayaa sidii
keyn lama galaan ah uga baxay oo meelaha kan ayaa Dad ku noolaan jireen
kugu soo dhici mayso
WARBAAHINTA MUQDISHO.
Warbaahinta qaybaheeda kala duwan sida Wargeysyadda,
Idaacadaha,Televishinadda iyo qaybaha internetka dhammaan waa kuwo ka
howl gala Magaaladda haba ukala dambeeyaane.
Warbaahinta xorta ah gaar ahaan Idaacadaha gaarka looleeyahay ee
Madaxa-bannaan ayaa sanadkii 1999 wixii ka dambeeyay ahaa kuwo ka
hanaqaaday Dalka guud ahaantiisa siiba Magaaladda Muqdisho, Xilligaa
wixii ka dambeeyay waxay ahaayeen kuwo xowli ku kobcaya maalin ba
maalinta ka dambeysa, misana uu tartan ka dhexeeyo. Xilligan Idaacadaha
FM-ka ah ee ka howl-gala Magaaladda Muqdisho oo kaliya waxay tira ahaan
sii cagacageynayaan 15 Idaacadood, dhamaan na waa kuwo gaar loo
leeyahay marka laga reebo Radiyihii Qaranka oo ay Dowladdu maamusho
hadda. Waxay ka soo wada galaan muujado is barbar yaal oo garbo siman
ah, waxayna kala yihiin magacyadooda: Raadiyaha iyo Televishinka
Hornafrik, Radio Banaadir, Raadiyaha iyo Televishinka Shabeelle,
Idaacadda Quraanka Kariimka, Radio Soomaaliweyn, Radio Simbba, Radio
Danan!
Radio Xamar, Raadiyaha iyo Televishinka GBC, Radio Muqdisho, Radio
Capital Voice, Radio Xurmo, Radio Alfurqaan Iyo Radio Bar-Kulan (waa
radio uu UN-ku maalgaliyay).Tira badnidaas tayo xumo ayaa u
wehlisa.Barnaamijyadda ka baxa Idaacadahan waa kuwo aan ku salaysneyn
ujeedooyinkii kolkii hore laga rabay inay xaqiijiyaan oo ahayd inay
dadka waxbaraan oo ay ku hanuuniyaan wanaagga, Nabadda iyo Horumarka ka
shaqeeyaan , iyo inay xog iyo macluumaad xaqiiqda ku salaysan siiyaan
dhageystayaashooda iyo inay Umadda ku Madadaaliso Barnaamijyo waxtar
uleh shacabka caruur iyo ciroolaba oo misana ku saleysan Qiyamka iyo
Akhlaaqdda
Umadda Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn inay ilaaliyaan Dhaqanka, Diinta
iyo Qaranimadda Soomaaliyeed . Balse Idaacaduhu maaha kuwo utaagan
waxyaabahaas aan kasoo sheekeynay, sababtuna waxay tahay Dadka ka
shaqeeya oo aan aqoon fiican u lahayn Wariyanimada iyo Milkiilayaasha
iska leh Idaacadaha oo mid kastaa dano gaar ah fulinaya bacdamaa ay
Idaacaduhu u ba!
danyihiin Idaacado Ganacsi. Waxaa inataas u sii dheer maaha ku!
wo Umadax-banaan sameynta Barnaamijyadda iyo Wararka Xaqiiqda ku
salaysan oo aysan sheegi Karin, taa cagsigeed waxaa loo yeedhiyaa
Wararka ka turjumaya danaha Kooxaha Siyaasadda Dalka isku haya, Kooxdii
iska weysana durbaba waxay ciqaab adag oo dil iyo handadaad bal eh isugu
daraan Idaacaddii ka madax-adaygta awaamiirta Kooxda.
Guud ahaan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka howl-gala Magaalada
Muqdisho ma ahan kuwo xor u ah howlahooda iyo Mihnadahooda Warbaahineed.
Runtii ciqaab aad u kulul ayaa la marsiiyay illaa hadana lagama dayn
cagajugleyntii iyo handadaaddii waana sababta keentay in inbadan oo
Wariyayaal ah Dalka isaga barabaxaan kuwa ku haray Dalka na ay
sandullo ku shaqeeyaan sifo ay u badbaadaan.
Markasta waxaa lagu qasbaa inay tabiyaan Warar aan Xaqiiq ahayn oo
Borobagaando u ah Shaqsiyaad ama Kooxo, haddaysan sidaa yeelinna waa Dil
ama ugu yaraan waxaa lagala wareegayaa qalabka ay ku shaqeynayaan gabi
ahaantiis.
Waxaa xusid mudan mar aan u kuur-galay sida ay Idaaacaduhu
barnaamijyadda u tabiyaan in dhammaantood si isku mid ah oo joogto ah u
tabiyaan shiiqa Caanka ah ee Soomaaliyeed fadhigiisuna yahay Magaaladda
Hargeysa waa Shiikh Mustafa X. Ismaaciil Haaruun. Baaritaan gaaban oo
aan arintan ku sameeyay na waxaan ku ogaaday in arintan ah in Shiikha
Idaacaduhu xushaan ka wadaad ahaan isla markaana uu noqdo Shiikha kaliya
ee ay casharadiisu sida joogtada ah ugan baxaan Idaacadaha Muqdisho
inay tahay Rabitaanka Shacabka.
Shiikhu waa Shiikh dadka wax ugu sheega si cilmi iyo caqli saliim ah
ku qotoma oo inta badan dhiraandhirin iyo ka dhaadhicin ay xikmad ku
jirto oo misana ay ka muuqato Miyir, Daganaan, Dulqaad iyo Dhimrin aan
Caadifad lahayn Dadka u wacdiya una wacyi-galiya, mahadi haka gaadhee
Shiikh Mustafe miisankiisana Alaha ugu daro.
Wadaadadii kale waxay noqdeen kuwo la kala safta kooxaha Siyaasadda
Dalka isku haya: “Maxay ka nuugtaa muxuuse ka nuuggaa” maxay Dad
wacdiyaan maxayse Dad wax u sheegaan iyagiibaa manta faraqa isku
dhaggan oo wax u sheeg u baahan maanta !!!……… Soomaalidaa waxay ku
maahmaahdaa Haday qeylo yeedho masaajidkaa loo cararaa, Haday qeyladdii
masaajidka ka yeedhana meel loo cararo ma leh……….
Ugu dambeyntii waxaa Warbaahinta Muqdisho lagu eedeeyaa inay iyagu
mas’uul ka yihiin oo ay buunbuuniyeen Shaqsiyaad iyo Kooxo kolkii hore
uusan Shacabku garanayn , isla markaana jecel inay dagaaladda markasta
ka sheekeeyaan halkii ay Dadka Nabadda u horseedi lahaayeen.
WAXBARASHADDA.
(Iskuuladda iyo Jaamacadaha)
Dabayaaqadii sagaashanaadkii ayaa Akhyaar badan oo Ganacsato iyo
Aqoon-yahan ba Leh isugu tageen, oo isku kaashteen sidii ay dib ugu soo
noolayn lahaayeen burburkii weynaa ee si guud ugu dhacay Waxbarashadii
Dalka oo leh Iskuul,Jjaamacad iyo dhammaan adeegyadii aasaasiga uhaa
Tacliinta. Nasiib-wanaag raggan Aqoon-yahanka ah oo isxilqaamay ayaa wax
badan qabtay oo runtii lataaban karo, rajadii ahayn in wax labarto ayay
dib boodhka uga jafeen, Ubixii Dalka ayay Mustaqbal u ifiyeen, misana
dhiiri galiyeen, waxay abuureen Goobo Waxbarasho oo Hor leh min D/hoose
illaa heer Jamacadeed haba ukala gadisnaadeen Manaahijta iyo luqadaha
wax lagu barto taasoo Jaha-wareer iyo dhibkeeda leh.
Runtii dagaaladan ugu dambeeyay ee Muqdisho ka holcaya ka hor
Magaaladu waxay la ciirciiraysay saxmadda Ardaydda, waxayna aad ugu dhex
dhalaalayay middabadda kala duwan ee dharka Ardaydu xidhaan. Nasiib
xumo waxaas oo dhan oo wanaag ah lama xushmeyn, qiimihii iyo qaddarintii
ay mudnaayeen na lama siin, waxaa ku dhacay hooggii ku dhacay Shacabka
Soomaaliyeed guud ahaantiis. Inta badan Iskuulladii iyo Goobihii
Waxbarashada way burbureen , waa burburkoodii labaad tan iyo burburkii
Dowladdii Soomaaliya. Ardayda iyo Macalimiinta ba saameyn weyn ayuu ku
yeesheen Dagaaladan nasiib-darrada ah ee Dalka ka socda. Dilka,
Dhaawaca, Barakaca, Qaraxyada, Burburka iyo Meehanowga ba intaba way
isugu darmeen.
Bahda Waxbarashada bacdamaa ay ka mid yihiin bulshada inta soo hartay
waa kuwo garab ku rarato ah oo hadba meeshii nabad ah kaddaga Magaaladda
am ula qaxa Dadweynaha meeshay ubadkooda ula qaxaan.
CAAFIMAADKA IYO CUSBITAALADDA.
Sidaa soo kale Magaaladda malaha Cusbitaallo waa weyn oo ay u
dhameystiran yihiin dhammaan agabkii iyo qalabkii caafimaad oo dabooli
lahaa baahidda caafimaad haba ugu darnaadeen dhaawaca xad dhaafka ah iyo
dhiig-baxa Shacabka Soomaaliyeed.
Cusbitaalladii laga dhaxlay Dowladdii Kacaanka waxaa weli ka nool oo ka
dhaqdhaqaaqa labada Cusbitaal ee Madiina Iyo Keysaney, iyaguna waa kuwo
aan haqabtiri Karin dhaawaca isdulsaaran oo mar ba marka ka dambeysa
iska soo daba dhacaya.
Waxaa intaas kasii daran oo aan la tacajibay dadka dhimirka beelay oo
maskaxdu isku dhexyaacday, kuna wareeray dagaaladan aan kala joogsiga
lahayn ee maalin ba maalinta ka dambeysa kasii daraya. Tiro aan yareyn
asse aan anigu xisaabin ayaa ku waashay dagaaladda kuna miyir-gaddoomay
aafadda socota. Inta badan dadku waxay ku hal-qabsadaan ama u sameysteen
eray-bixin cusub sida: Hebel qadkaa ka maqan, Hebel waa Offline,
Dibaddaa u furan iyo kalmado kale oo kuwaa la mid ah.
Mar aan booqday Cusbitaalka Madiina oo ah kan ugu dhaqdhaqaaqa roon
Magaaladda ayaa waxaan kula kulmay diif iyo darxumo weyn oo haysatay Dad
Shacab ah oo aan waxba galabsan oo si weyn loogu gumaaday Magaaladda
Muqdisho.
Dhiigga iyo dheecaanka Cusbitaalka dhexyaal waa wax lagu yaqyaqsado,
hadana waxaan kuu oggolaanayn damiirkaaga Soomaalinnimo,Islaanimo iyo
mid kaaga Bini’aadannima ba inaad ku labalabbooto darxumadda meesha
taal. Dhanka kale Magaaladda waxaa si shul iyo shal ah uga dhex shaqeeya
Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah (Ambulance) oo ay ku tabaruceen hantiley
Soomaaliyeed. Iyagoo aad u tira yar ayay u kala gooshaan dhaawaca iyo
meydkana kasoo daadgureeyaan guud ahaan Magaaladda Muqdisho, Inkastoo
aan la xushmeyn, shacabkuna dariiqyada ku cidhiidhiyaan dhinacyada
hubeysanna ay rasaas la dhacaan in badan oo raggan ka mid ahna ay
waxyeelo kasoo gaadhay amaba ku dhinteen.
DADKA BARAKACAY.
Kadid duullaankii Xabashidu ku qabsadeen Magaaladda Caasimadda ah Ee
Muqdisho waxaa barakacay sadex dalool laba dalool (2/3) Dadkii ku
noolaa Magaaladda. Inta ku hartay Magaalada na waxay isugu jiraan kuwo
dantu bidday inay dhex joogaan qaska iyo qalalaasaha islamarkaana aan
haysan qarash ay ku qaxaan, iyo kuwo ka door biday dhilqaha, kutkudaha
iyo kutaanta kabuuxda xerooyinka iyo deegaanada loo barabaxay inay ku
nasiibsadaan madaafiicda la isku asqeynayo. Magaaladda Dadku way
cidleeyeen, waxaad na mooddaa kolka aad dhex socoto howd lama galaan ah
meelaha qaarkood, illeen Dadka ayaa cammira nolosha.
Dadku waxay daadsanyihiin inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,
waxaana abuurmay deeggaanno hor leh oo cusub isuguna tageen dadkii
dan-yarta ahaa iyo kuwii wax haystay ba. Kuwo buushash cooshado ka
sameysay iyo geedaha hoostoooda ayaa Hooy u ah halka dadka ladan ama uu
jeebkoodu buudhan yahay ay dhisteen Guryo Villooyin ah. Waxaad na ka
garan kartaa sida loo kala daggan yahay. Sidaa soo kale waxay abuurteen
Suuqyo ganacsi oo runtii ay aad u cammirteen, gaar ahaan deegaanka
Ceelasha Biyaha, oo aad mooddo kolka aad dhex lugaynayso inaad joogto
Suuqa Bakaaraha.
Dhinaca kale Dadka dan-yarta ah waxay isdulsaaran yihiin buushash
cooshado ah oo baakado iyo callalo la isku xidhxidhay ka sameysan,
Inbadan oo kamid ah na waa bannaan-yaal aan xittaa haysan buush ay
cadceedda, boodhka, iyo qabowga kaga gabbadaan. Dadku waxay ku
firirsanyihiin hareeraha Magaaladda Muqdisho sida:
Garasbaaley,Siinka-dheer, Tareedishe (13km), Ceelasha Biyaha, Xaawo
Cabdi, Calamadda, Lafoole illaa Degmadda Afgooye. Dhammaan deegaanadan
waxay Muqdisho kaga beegan yihiin jihada Koonfureed. Sidaa soo kale
waxaa jira Dad iyana daadsan Jihadda Waqooyi oo iyaguna Cadceedda Marti
u ah ILAAHAY oo kaliya ayaa u maqan cid kale oo daryeesha ama ugu
yaraan ka naxda waxa ay Dadkan ku suganyihiin ma jirto, iska badaa in
wax la taree dagaalka ayaa looga daba geeyaa meelaha iyo xeryaha ay
qoxootiga ku yihiin.
Silaca iyo saxariirta taal meesha wax laga sheekeyn karo maaha, waa
wax aad u xanuun badan ruuxii damiir bini’aadannimo uu ku dambeeyana waa
wax uu aad ula murugoodo aadna uu uga qiiroodo diifta iyo dar-xumadda
meesha taal.
XAALADDA BINI’AADANNIMO.
Dadku waa Dad dan-yar u badan islamarkaana Caruur ,Waayeel iyo Dumar
ubadan, mana heli karaan waxay naftooda iyo Caruurtooda ku quudiyaan
iskabadaa Hu’ iyo Hooy iyo meel ay kaga gabbadaan kuleylka qoraxdda.
Qaarkood maalmo ayay qatanaadaan, Biyihii nolosha aas’aasiga u haa na ma
helaan hadday helaanna waa wax yar oo aan ku filnayn baahidooda
maalmeed, maxaayeelay intii badnayd waa la joojiyay Hay’adihii ku
magacsheegan jiray ugu yaraan inay quudiyaan amaba haraad bixiyaan
sababo ammaan. Sida intiina badan aad la socotaan waxaa la joojiyay
Hay’adihii Gargaarka oo ay ku jirto Hay’adda WFP ee Qaramadda Midoobay u
qaabilsan raashin qeybinta, Si kasta oo wax looga sheego ama dhaliil
kasta oo ay leeyihiin Hay’adaha Dad badan ayaa ku tiirsanaa oo ay wax un
siin jireen.
Marka aad Kaamamka dhex marayso waxay indhahaagu qabanayaan Dad
dhulka yaal oo aad moodo inay nolosha ka quusteen, qarkood Gaajo ayay
sara-joogsigii la gabeen oo Macluun iyo Nafaqa-xumo ayaa ka muuqata,
Halka qaarka kalana ay la daalaa dhacayaan Cudurro kala duwan haba ugu
badnaadee Shuban Biyoodka ama Daacuunka bacdamaa xilligii kulaylaha
lagu jiro, sidaa soo kale waxaa aad ugu badan Dadka Cudurrada Maqaarka
ku dhaca waxaana sababta ugu weyn ay tahay dadkoo aad
ugu badan Kaamamka iyo Nadaafaddoo aad ugu yar.
Qoysas badan ayaa dantu waxay bidday inay Caruurtooda u diraan
Magaaladda si ay ugu soo qaraabaan Xalaal iyo Xaaraan waxay soo helaan
maadaama ay Gaajo hayso, kolkaasaa dhalinyarro aad u Da’ yar ku biiraan
Kooxaha kala duwan ee Dalka ku dagaalamaya, Qaar way ku dhintaan kuwana
lixdooda lixaad ayay ku waayaan oo way ku naafoobaan dagaaladda halka
qaarka kalana Raq Iyo Ruuxdooda ayaa la waayaa. Isku soo duuboo Dadka
waxaa isugu darmay Macluul,Gaajo, Oon iyo Harraad aan la qiyaasi Karin
oo waxay arintu joogtaa halkii la odhan jiray “ Cidna Uma Maqna Ceelna
Uma Qodna”
GABAGABO.
Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gabagabeeyo qormadaydan dhowr
arrimood oo isa sudhan : Waa midda koowaade in Dalkii iyo Dadkii ay ku
halaagsameen Dagaaladan naxariisdarrada ah ee aan loogu aabba-yeelayn
Shacabka marrasta iyo maatidda u badan. Qodobka labaad na wuxuu yahay
in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Muqdisho marnaba
aysan raali ka ahayn rabinna Kooxahan kala jaadka ah hadana kala
ujeeddada ah ee ku hardamaya Xukunka Dalka, waxayna sheeko ka joogtaa “
Hashii Ninkii Gurranaa Uu Raacay Dhinacna Uma Fiyooba” iyo sheeko kale
oo ahayd “ Hadda ka hor ayaa nin Geel fara badan lahaa, kolkaasaa
maalin Geelii intuu diday ayuu ninkii lahaa ku tuntay, intaa ka dib
ayaa rag kale oo ay ninka Geela leh Qaraabo yihiin weydiiyeen Geelu
wuuba kugu tuntaye Hashii kuugu darneyd, kolkaasuu ku jawaabay Miyayba
ku jirtay hal aanan dhihin “Majabtey ahayd” calashaan iima kala roonayn”
sidaa si la mid ah dhammaan kooxanan maanta Siyaasadda isku haysta ma
jirto !
mid aan Shacabka dhibaateyn. Runtuna waxay tahay in kooxahan
Magacyada kala duwan leh ay yihiin dhamaan anoon kala reebin Dowlad
walaa Mucaarad “Lahaystayaal is haysta oo hadana Dadka haysta”
WQ: Sayyidcali Xuseen Gaabane
Sayyidcali Xuseen Gaabane (
Gaabane99@hotmail.com