Saturday, September 21, 2013

Suxufiyiin isbaaro ahaan u adeegsata war-waahinta.


Qarni waliba magac ayaa loogu wan-qalaa,iyadoo kolkaa halbeeg looga dhigayo, sancada iyo horumarka ashqaraarka leh ee uu aadanuhu higsanayo. Tusaale ahaan, qarnigii 20-aad ee aynu ka soo gudubnay,waxaa la oran jiray. (qarnigii warshadaha iyo sancadda) ciddii doontaa ha u bixisee.

Sidaa si lamid ah, qarnigan cusub ee soo unkamay sanadkii (2000) ee 21-aad, isagana waxaa loo bixiyay (qarnigii isgaarsiinta, sayniska iyo tignolojiyadda.) Hadaba maanta war-baahintu waxay ka mid tahay aaladaha wax lagu hago kuwooda ugu saamaynta badan, laguna hanto quluubta dadka iyo maankooda,tiiyoo wax lagu dhisi karo waxna lagu burburin karo.

War-baahinta soomaalida maanta iyo dadka ka shaqeeyaba, gabi ahaan waxay isku arkaan inay hormuud u yihiin wacyi-galinta guug ahaan umadda af-soomaaliga ku hadasha, iyo ku baraarujinta wanaagga u horseedi kara horumar iyo aayatiin wacan. Halka in badan oo kamid ah bulshada soomaaliyeed ee dhagaysata,daawata, ama aqrisataba ay u arkaan (dagaal-ooga-yaal,qabqablayaal nuuc cusub) oo kusoo biiray kuwii horay looga adkaaday,qaarkoodna ay weli nafi ku dambeyso.
In badan waxaad arkaysaa, ama aad aqrinaysaa iyadoo dadka qaarkiis ay cod dheer ku leeyihiin. “idaacad hebla waxaa iska leh qabiil hebel,iyo web-site hebel waxaa lagu buun-buuniyaa rabitaanka qabiil hebel, iyo warar caynkaas oo kale ah.Hadaba ujeedada maqaalkaygan aan ugu magac-daray (saxafiyiin isbaaro ahaan u adeegsata qaar kamid ah qalabka war-baahinta) waxay tahay:

Waxaan aqriyay war-bixinno sidii war-maalmeedka (dailynews) u qoran, balse lagu durayo, laguna dacaayadeynayo, shaqsiyaad, kooxo, iyo shirkado ganacsi. si looga helo wax xoogaa qadaadiic ah oo ay isku furtaan, sifo looga joojiyo weerarka war-baahineed.Waxaa kasii daran,warka la iska been-abuurayo, waxaa ka buuxa been iyo shahaada-suurnimo adduunkana lagu hoogayo aakhirana lagu cadaab mudanayo.
Waxaan kaloo goob-joog uhaa saxafiyiin dad mas’uuliyiin ah dhagta ugu sheegaya in jeebka loo qooyo, haddii kale ay wacdare dhigi doonaan iyagoo adeegsanaya war-baahinta.
  
ILAAH ayaan idinku dhaarshaye miyaysan is-baaro nuuc cusub ahayn???, maxayse kaga duwanyihiin is-baaroolaydii dadka calalada ka furan jirtay, dhaca iyo dilkana isugu dari jirtay?!.

Adduunyada saxaafadda sharci iyo anshax ayaa kala haga, ciddii ku xad gudubtana maxkamad ayaa lasoo taagaa, wuxuu mutaystana la marsiiyaa. Inkastoo qaarkood si xun loo adeegsado, iyadoo kolkaa xeelad iyo xoogba lagu muquuninaayo. Sidii fadeexaddii war-baahinta galbeedka ee dagaalkii ciraaq, oo af iyo adinba la qabtay, hal dhagna wax loogu sheegay, qaarkoodna qandaraaskii shidaalka iyo khayraadkii wax laga siiyay.
Annaga iska-daayoo inaan sharci iyo anshax ilaalinnee, waxaan ku dur-durinnay xuduuddii uu Eebbe noo xadeeyay, inagoo sheeganayna inaan haysanno diinta adduunka ugu sharafta iyo karaamada badan. Ugu dambeyn, anigu maahi wariye ama saxafi ka shaqeeya war-baahinta maanta, macnaha -dadka qaar ayaa sawir qaldan iga qaadan kara, oo is oran kara: “armuu kooxo duqaynayaa”. balse waxa kaliya ee aan rabo waxay tahay.
inaan u nasteexeeyo asxaabta ku jirta ama dhex-muquuranaysa dhaliilaha caynkan oo kale ah, iyo kuwa u tafa xaydanaya ee aan is ogayn.Mana doonayo inaan halkan ku xuso shaqsiyaad ma ha’ado war-baahineed, soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa “fulay xantii ma mooga”.
Dhammaanteen Allaah ha na cafiyo, magafana waa Eebbe.

W.Q: SAYYIDCALI XUSEEN

    gaabane99@hotmail.com

MU’ASASO.((Institution) qaabkee loo dhisaa

HORDHAC.

Bismilaah.

http://www.alnajaahmedia.com/2012/11/muasaso-institution-qaabkee-loo-dhisaa/

Mu’asaso ama waxa afka qalaad loogu yeedho (Institution) waa Dhismo Weyn oo Noqon Kara:- Hay’ad,Machad,Urur,Jamaaco,Shirkad, Isbitaal, Jaamacad Ama Wazaarad iwm.
Waa Habka kaliya ee Shaqo Ee si nidaamsan oo Natiiji fiican keeni karta loogu Howl Galin karo Xoog Bulsho Iyo Xoolaha Ay Haystaan Khayraadkooda (Resources).
Waa Hab Leh Hal-beeg lagu qiimeyn karo Howlaha la qabto, iyo hadba wixii aan fulin ama fulay, Taasoo fududeynaysa in Si Sahlan wax loo saxo loona Dabaqabto wixii Dheeliya.
Waa Hab Sahlaya curinta fikrado cusub oo wax-ku-ool ah, islamarkaana fududeynaya in la Dejin karo Istiraatiijiyad iyo Qorshe ku dhisan aragti wax badan laga baaraandagay Dhinacya Badanna ka qeyb qaateen.
Hadaba Inaga oo Maanka Ku hayna Muhiimadda iyo Ahmiyadda Ay leedahay Mu’asasadu, Ayaan Jecleystay in aan idin la wadaago Maqaal Cimiyeedkan aadka u kooban asse wax badan ka badali kara Hadba Mu’asasada aad Mas’uulka Ka Tahay ama Xubinta Firfircoon.
WAA MAXAY AAS’AASKA AY MU’ASASAADKU KU DHISMAAN.
Waxaa jira 4 UDBOOD Iyo 12 DHIGGOOD Oo Mu’asasadii (Hay’ad,Machad,Urur,Jamaaco,Shirkad, Isbitaal, Jaamacad Ama Wazaarad iwm.) laga helaa Noqoneyso Mid Guuleysata, Wax qabad iyo Horumarna Gaarta, Islamarkaasna Ayaan u Yeelata in ay Kheyrkeed Dhaafto.
Hadaba Waa maxay 4-ta UDBOOD Iyo 12-ka DHIGGOOD?
Waxaa Jira Halku-dhig Lagu Xifdin Karo 4-ta UDBOOD Iyo 12-ka DHIGGOOD,Kaasoo ah (1,4,5 ,2).
Intaa Kadib Waxaan Falanqeyndoonnaa Haduu ALLE Idmo 4-ta UDBOOD Iyo 12-ka DHIGGOOD.

UDUBKA 1-AAD.
QORSHE.
Qorshaha aan Halkan Kaga Hadleyno Waa Qorshe Istiraatiijiyad ku Dhisan Asse aan Ku Dhisneyn Laab-la’kac iyo Riyo maalmeed ,Ama Waxa Aan Ugu Yeero “Isku Dhufsi Xisaabaad Qaldan”.
UDUB-kan waa UDUB muggiisa Iyo Miisaankiisa Leh, Lagama Maarmaanna U ah Mu’asasadda Jiritaankeeda, la’aantiisna Mu’asasadu Noqoneyso Wax Aan caga adag ku Taagneyn
UDUB-kan Wuxuu Lee yahay 1 DHIG, Kaa soo ah:-
1. Istiraatiijiyad & Saadaalin.
Mu’asasadu waa in Ay Leedahay Istiraatiijiyad Cad oo Ku Dhisan sadex arimood:-
a) Fiirinta iyo Indha-indheynta Tixanaha taariikheed iyo Uruurinta Macluumaad wax Lagu Dhisi Karo (Analysis).
b) Daraaseynta Waaqica Iyo Wadciga Lagu nool Yahay si ka dheer isyeelyeel iyo Runta OO La Garab maro.
c) Sahminta iyo Odoroska Mustaqbalka (future forecasting) iyadoo la Qaadaa-Dhigayo Caqabadaha Iman Kara, Sida looga Hortagi karo iyo wadooyinka Loo Mari Karo Ka Mira-dhalinta Ahdaafta Mu’asasadda.
Istiraatiijiyaddu waxay fududeyneynsaa Go’aan Qaadashadda Mu’asasadda islamarkaana waxay yareyneysaa Qaladaadka Dhici kara.

UDUBKA 2-AAD.
TIIRARKA SHAQADDA.
UDUB-kan Wuxuu leeyahay Afar DHIGGOOD Oo ka farcama, Waxayna Kala Yihiin:-
1. Hoggaan.
Hoggaan la’aan waa indho La’aan.
Hoggaamintu Waa Cilmi Aad loo Barto Waqtigan, Balse Markiisi Hore Uusan u uruursaneyn sida uu Maanta U uruursan yahay,Ee Sida Sahlanna loogu Baran Karo, looguna Tababari karo Shaqsiyaad Xul ah oo Karti iyo Hufnaan lagu tuhmayo.
Hoggaaminta waxaa Loo kala qaadaa; Hoggaan guud iyo Hoggaan Taqasus ah, Ta Taqasusuka ah Waxaan Tusaale Uga Dhigi Karnaa:-
Hoggaamiye Meleteri, Hoggaamiye Siyaasadeed,Hoggaamiye Dhaqaale, Hoggaamiye Diimeed, Hoggaamiye Urur, Hoggaamiye Caafimaad, Hoggaamiye Tignoloji iwm.
Mu’asasadu waa in ay Tababartaa Hoogaan leh Tayo, Wax Qabad Fiican, Aragti Dheer, Himilo Iyo Han Wayn.
Mu’asasadu Waa In ay diyaarisaa Jiil U leylsan Hoggaaminta Mu’asasadda Mustaqbalka, Kuwaasoo Dhigaal iyo keyd U ah Mu’asasadda.
Hoggaan la’aan Mu’sasadu ma Shaqeyn karto Wayna dumeysaa Hubaashii.

2. Xubno.
Sidaa Si la mid ah Haddii Aysan mu’asasadu lahayn Xubno ka Tirsan Ama Shaqaale ka shaqeeya, waxaa iyana Hubaal ah in Ay Meeshaasu waxba Oolin, Riyo Iyo Sheeko Baraaleyna Lagu Hayo.
Mu’asasadu waa in Ay Leedahay Hab Iyo Hannaan Ay Ku Xulato Xubnaha Ka Mid Noqonaya, Ama Haday Shirkad Tahay Shaqaalaha ay Howl-galineyso.
Sidaa Si Lamid ah Waa In Mu’asasadu leedahay Hab ay ku kala soocdo Xubnaheeda, Kuna Qiimeyn karto Aqoonta,Kartidda, Hufnaanta iyo Howl-qabadka Xubnaha.
Mu’asasadu Waa in ay Leedahay Hab Ay Ku Dhiiri Galiso Xubnaha Howsha Sida Wanaagsan U Qabtay. Sida Iyagoo La Abaal-mariyo,Shahaado Sharaf Lasiiyo, iyo iyadoo Xubnaha Kale Hortooda lagu Ammaano iwm.
Waxaa Iyana Lagama Maarmaan ah in Mu’asasadu leedahay Hannaan ay Ku Ciqaabto Xubnaha/Shaqaalaha Dibindaabyada Kuwada Horu-socodkeeda, ama shaqada Faddiid Ku Noqda.
3. Manhaj.
Manhaj Waa Dariiqa iyo Habka Shaqada loo daadihinayo taasoo leh Heerar iyo Marxaladdo Kala duwan, Kuwaasoo Ugu Dambeyntii Ay Mu’asasadu Ku Xaqiijineyso Gaaridda Yoolkeeda iyo Ahdaaftii Loo Aas’aasay Kolkedii Hore.
Mu’asasaddu waa in ay Leedahay Aadna loo Qeexaa Fikradda Guud (Vission) Ee ay Higsaneyso Islamarkaasna Kusoo Bisha Shubtaan Dhammaan Shaqadda Ay laamaheedu Hayaan.
4. Nidaam.
Nidaamku waa Kala Dambeynta Hoggaanka Iyo Xubnaha Mu’asasadda.
Nidaamku Waa Sharciga Iyo Xeer Hoosaadyadda Mu’asasadda.
Nidaamku Waa Ilaalinta Sharciga iyo Xeerka, Waa Xaq-dhowrka Xuquuqda iyo Waajibaadka Lakala Leeyahay.
Nidaam La’aan Waa Fowdo ama Qarbudaad, Haddii Uusan Nidaam Jijin Mu’asasadda Dhexdeeda Waxaa Shaki Ku Jirin In Ay Burbureyso.

UDUBKA 3-AAD.
TIIRARKA TARTANKA.
Mu’asasadii Xooga Saarta, Maalin Iyo Habeena Ka Shaqeysa 5 Arimood waxaa loo Badiyaa in Ay barqa Cad Uga Tageyso Mu’asasaadka kale Ee Latartamaya Balse aan 5-tan Arimood Xooga Saarin Ama Uusan Qorshuhu Ugu Jirin.
UDUB-kan Waxaa ka Farcama 5 DHIGGOOD, Waxayna kala Yihiin:-
1. Tababar.
Bini’aadamku Waa laf-dhabarka Mu’asasaadka, La’aantoodna aysan ba jiri Karin Mu’asaso. Inta Kasoo hartay waa waxa Soo Labeeya iyaga.
Tusaale Waxaa Loo Soo Qaataa; Haddii dadka Reer JAPAN La Geeyo Mid kamid ah Dowladaha AFRIKA, Islamarkaasna Dowladdaas AFRIKANKA Ah Dadkeeda La Geeyo Dalka JAPAN Maxaa Dhici Kara!!!. Bal Adiguba Qiyaas?. Waxaa la Filan Karaa In Dib-u-socod iyo Burbur Ku Yimaado Dalka JAPAN, Waxaana La Qiyaasi karaa in Horumar iyo Dhisme Uu Ka Bilowdo Dalkaa AFRIKAANKA ah. Biya-Dhaca Warkuna waa (DADKA). Iyo Sida ay u fikirayaan, u Ilaalinayaan wada Jirka, ISUGU XAQ-DHOWRAYAAN RA’YIGA IYO KALA ARAGTI DUWANAANSHAHA, ukala AQOON Iyo Xirfada Badanyihiin.
Waxaa lama huraan ah in Tababar iyo Tarbiyo joogto ah la siiyo Xubnaha Mu’asasadda, haday Noqon Lahayd Aqoon, Xirfaddo Sida; Xalinta Mashaakisha/khilaafaadka, Koox Uwada Shaqeynta, mabaadii’da, Qiyamka Iyo Akhlaaqda iwm.
2. Farsamadda Casriga.
Markasta Oo Ay Mu’asasadu isticmaasho Farsamadda carsiga Sida: Tiknologiyadda (Technology) ama Culuumta kale Ee Waxtarka Leh waxaa cad In Kuwa La Tartamaya aysan Gaari Karin.
Qarnigan 21-aad Ee Aynu Noolnahayna Kumaba Sii Jiro, Maxaayeelay waxaa Loogu Waqlalay Qarnigii ISGAARSIINTA (TECHNOLOGY-ADDA)
Nuuca Tignooloojiyadda ay Mu’asasadu isticmaaleyso waxa ay ku xiran tahay Shaqadeeda. Tusaale, Haddii Ay Mu’asaso Caafimaad tahay waxa ay isticmaalaysa Tegnooloojiyadda Cafimaadka Qeybaheeda kala Duwan. Haddii Ay Tahay Mid Warbaahineed, Dabcan Waxay isticmaaleysaa Midda Warbahinta Qalabkoodu isticmaalaan.
3. Adeeg Hufan.
Mu’asasado waa In ay U Adeegtaa , Weliba Adeeg Ay Ka muuqato hufnaan , Tayo iyo Dhimrin Guud Ahaan Dadka Iyo Bulshada Adeegeeda Ku Xidhan.
U Adeegidda,Daryeelka Iyo Xanaaneynta Xubnaha Mu’asasadu waa Muhiim, Maxaayeelay Xubnaha Mu’asasadu Waa Matoorka Dhaqaajiya Mu’asasadda. Hadaan Sidaa Layeelinna waa Bilowga wadada Burburka iyo Habacsanaan Ku Timaadda Shaqada.
4. Suuq-geyn.
Suuq-Geyntu Waxay Noqon Kartaa Mid muuqata (Advertisement) Iyo Mid aan Muuqan (Akhlaaq, haybad, Sumcad Iyo Qiyam)
Macno Sidaa U Weyn Sameyn mayso Mu’asasadii Aan Suuq-Geyn Loo sameyn Fikiradeeda, Adeegeedda, Badeecadeeda iyo Magaceeda ba.
Mu’sasadu Waa In Ay Dhistaa koox U tababaran Sharaxaad Ka Bixin karta Mabaadii’da iyo Ahdaafta Mu’asasadda iyo Sidaa soo kale guulaha Ay gaartay Mu’asasadu intii ay soo Jirtay.
Mu’asasadu waa in Ay meel Dhigtaa Qorshahana Ku Darsataa miisaaniyadda Kooxdan, maxaayeelay waa Tiir Gooni U Taagan oo aysan Kamaarmin Mu’asasadu.
5. Curin Ama hindise.
Mu’asasadu Si Ay uga Dheereyso Kuwa La Tartamaya waa Inay Leedahay Dad U Curiya Fikrado Cusub oo Ay Kaga Duwan Tahay khayrkeed, Horteedna Aan la Hayn ama aan lasoo Bandhigin.

UDUBKA 4-AAD.
KAABAYAAL.
UDUB-kan Waxaa ka Farcama 2 DHIGGOOD, Waxayna kala Yihiin:-
1. Xarun Dhexe.
Mu’asasadu waa In ay Leedahay Xanun Dhexe iyo Sal-dhig Weyn oo Ay ka Ambaqaaddo. Maxaayeelay Garab-Ku-Rarasho Mu’asaso kuma Shaqeyn Karto.
Laamaha Mu’asasadu Ay Ku Leedahay Dalalka, Goboladda, Degmooyinka, Tuulooyinka iyo Xaafaduhu Waxay kaalin Libaaxeed Ka Ciyaraan sameynta Xiriirka Dadweynaha, Awoodda Mu’asasada Ay ku Dhexyeelanayso Bulshada Dhexdeeda iyo Barashadda Magaceeda Iyo Adegeeda.
2. Maal.
Ugu Dambeyntii Maalku Waa Hal-bowlaha Iyo Wareegga Dhiigeed Ee Ay Mu’asasadu ku Shaqeyso.
Maalku waa fududeeyaha howlaha Mu’asasadda, La’aantiisna Waa Fadhiidnimo.
Mu’asasadu waa in ay leedahay Il Dhaqaale
Mu’asasadu waa inay leedahay maal ay ku howlgaliso Waaxeheeda iyo Xubnaheeda.
Sidaas Oo Kale waa In Ay Leedahay Nidaam hanti-Dhowr , shafaafiyad iyo Xisaab Xil Maleh Ku dhisan.
Mu’asasadu waa in Ay dajisaa Miisaniyadda Guud Ee Mu’asasadda.

GABAGABO.
Sida Ay Sheegen Culimadda Cilmigan Taqasusuka U Leh , waxaa Tijabooyin Iyo Daraasaad lagu Ogaaday In Mu’asasadii aan Haykalkeeda Ku Dhisin UDBAHAAS Iyo DHIGAHAAS In Ugu Dambeyn Natiijadeedu Noqoneyso Burbur.
Gabagabadii waxay ila Tahay in aad Ka Bogateen Mowduuc Qiima Weyn Xambaarsan. Anoo isku dayay In Aan Aaad usoo Koobo maadaama Uu Aad u Balaadhan Yahay una Gun-Dheer yahay.
ILAAHAY ha ka dhigo Qormadeydan Mid Ay Ku Intifaacsadaan UMADDA MUSLIMKA AH.
Waxaan idin Ka Codsanayaa in Aadan Iga Hilmaamin DUCADIINNA.????

ISHA XUQUUQDA: Channel-ka Al-Risaala (Kuwait)
XIGASHO: INTERNET.
WD : SAYYIDCALI XUSEEN GAABANE.
E-mail: GAABANE99@HOTMAIL.COM

SAFARKEYGII MUQDISHO (WAA QORMO XIISO BADAN XAQIIQDANA KU SALAYSAN)

HALKAN RIIX














Xaruntii Ummadda, Magaala-madaxdii Dalka, Caasummaddii iyo xuduntii Soomaali-weyn, Waana xaruntii isku xidhi jirtay ilaa haddana isku xidha bah-weynta iyo bushada soomaaliyeed.
Inta uusan Qaran-Jabku  dhicin Soomaalidu Waxay ku soo hiran jireen dhan walba iyo baahi kasta oo ay qabaan Muqdisho, Haday noqon lahayd adeegyadda bulshadda sida: waxbarashadda, caafimaadka, shaqadda iyo wax yaabo kaloo fara badan.



Arintaas kolka dhan laga eego waa wax wanaagsan, docda kale na haddii la iska taago ma qumana in baahidda Dadka oo dhan ay ku xidhnaato Magaalo qudha, oo waxaa aad u qurxoonaan lahayd in lagu balaadhiyo guud ahaan Goboladda Dalka.

Sidaa soo kale maanta oo uu Dalkii burbursan yahay na weli Magaaladda Muqdisho waa halbowlaha iyo dunta isku xidha Ummadda Soomaaliyeed. Bal u fiirso tusaale ahaan Qiimaha Sarifka lacagaha qalaad waxaa lagu jaan-gooyaa kolba heerka iyo qiimaha uu ka joogo Magaaladda Muqdisho.

Magaalooyinka Garoowe,Hargeysa,Gal-kacyo,Cadaado,Balad-weyn,Jowhar,Kismaayo iyo Dhoobley oo ku taal xudduudda Kenya-Soomaaliya dhammaantood waxay ku sar-go’an yihiin ascaartooda oo Mood iyo Nool ba leh Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Arimahaas oo dhan waxay ku tusinaysaa in Magaaladda Muqdisho weli ka go’in quluubta Dadka Soomaaliyeed Qurba-joogoodda Iyo Qaran-joogooda ba.

Waxaase kasii qosol badan in qof kastaa oo Soomaali ah oo Qaxootinimmo isu dhiibaya ama iska diiwaan-galinaya Xafiis, uu sheegto inuu ku dhashay Magaaladda Muqdisho.

Magaaladda Muqdisho waa Magaalo Taariikh fac-weyn ah  leh, wax badanna ay ka qoreen Qalinley Soomaali iyo Ajnabi ba isugu jira.

Waa Magaallo ay isaga kala dambeeyeen Boqortooyooyinkii Adduunka mar ka talin jiray iyo xadaaradihii kala gadisnaa ee nolosha bini’aadamka soo maray qaarna uu weli raadkoodu qoyan yahay.

Inkastoo marmarka qaar aad is oran karto Soomaalidu Xaddaaradba maleh, waligood na Dowladnimmo sooma arag kolka aad eegto habdhaqankooda bahalnimadda ah iyo sida aysan nolol ilbaxnimo iyo isqadarrin ku dhisan ugu wada noolaan Karin, isuguna quurin walaaltinimo iyo wax wada qabsi, tiiyoo ay wax walbaa wadaagaan, Diin, Af,Dhaqan iyo Midab ba. Waana arinta layaabka ku noqotay bulshada adduunka lagana dhaadhicin Karin inay is dilaan isna gumaadayaan dad wadaaga wax walboo busho ay wadaagto.

Waxaa kaloo kasii yaab badan in Soomaalida labadii is wareysata ba ay yihiin walaalo, ilma adeerro, ilma abti, seediyaal, ama dad xidid ah ugu yaraan bal adigba arintaas baaritaan ku samee?.

SOOMAALIDU WAA MID QUDHA, SINJIGA SOORACA IYO AFKABA, DIIN KALA SOOC SOOCANTIYO, MALAHA WAXAY KALA SITAAN.

SOCDAALKEYGII.
Waxay ahayd maalin Isniin ah Taariikhduna ku beegnayd 8-dii Ferraayo Sanadka 2010. Waxaan Diyaarad Ganacsi oo rakaab ah kasoo raacay Gagidda Caalamiga ah ee JOMO KENYATTA INTERNATIONAL AIRPORT eek u yaal xarunta Dalka KENYA EE Nairobi abaarre 7:30 Subaxnimo.

Muqdisho iyo Nairobi sidaa uma kala foga oo Diyaaraddu waxay hawadda ku jirtay qadar saacad iyo 20 daqiiqo ah. Waxa ugu horeeya ee qofka Muqdisho kasoo daga uu dareemayo waa  Hafi wax xoogaa kulay ah wadata, siiba waxaa aad u dareema arintan dadka qurba-joogta ah ee dalalka qabowga badan ku noolaa amaba ku nool hadda, hadana maaha hawaddu mid wax kuu dhibeysa oo waa cimilo dhexdhexaad ah oo aysan jirin wax lagu doorsado macaanka ay qabto ( qofkii yaqaan ayaa yaqaan).

MADAARKA MUQDISHO
Garoonka Caalamigaa Ee Aadan Cadde International Airport (Ex Muqdisho International Airport)  Waa garoon aad u weyn kolka la barbardhigo Garoomadda qaar ee adduunka ku yaal gaar ahaan Caasimado dhowr ah ee ku yaal  Qaarad weynta Afrika. Burburkii iyo baabi’ii Dalka wada cammimay, saameyn aan sidaa u buudhnayn ayaa Garoonka ka soo gaadhay, kadib markii kooxo wax magarata ah ay ka qufteen oo ay kala baxeen jaygii iyo laamiggii ku dhisnaa waddadii ay Diyaaraduhu ku ordi jireen (Runwey-ga).

Alle mahaddii inta badan Garoonku wuu badbaaday, Inkastoo uu muddo dheer u qabirnaa Hogaamiye kooxeedyadii Dalka mar ku amar ku taaglayn jiray.Waxaana ALLE fadligiis dib mar kale ufurmay ilo kamid ah kaabayaashii dhaqaalaha Dalka waa Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda weyn Ee Muqdisho.

Madaarku wuxuu Xarun Kmg Ah uyahay Ciidamadda ka socda Midowga Afrika Ee AMISOM loo yaqaan. Kuwaasoo ilaaliya Guud ahaan Xarumaha Dowladda sida: Madaxtooyada,Madaarka iyo Dekadda weyn Ee Muqdisho, waxaana intaas u dheer oo ay ilaaliyaan Madaxda Dowladda KMG.

Habsami usocodka Madaarku waa mid xowli ku socda, inkastoo marka ay Madaxdu dhoofayso ay hakad galaan howluhu sababo ammaan iyo duqeymo lala beegsado.Madaarku waa mid aad u mashquulsan oo waxaa isticmaala Diyaaraddo ganacsi oo gaar loo leeyahay, islamarkaana u kala goosha guud ahaan Gobolka Geeska Afrika sida: Nairobi, Djabuti,Kampala,Hargeysa,Barbara,Galkacyo,Muqisho iyo kuwo kala ba. Sidaasoo kale waxaa ka dhoofa Madaarka Muqdisho Diyaarado duulimaad toos ah ku taga Gobolka Bariga dhexe.Dhanka kale wax kastoo shaqeeyaa dhaliil ayay leeyihiin.

Kolley aniga ahaan intii yareyd ee aan ku sugnaa Garoonka dhexdiisa waxaa ii muuqday ceebo iyo agaasima-xumo  ay ku ka cayeen qaar ka mid ah shaqaalaha Madaarka.Tusaale ahaan kolka aan kasoo daggay Garoonka waxaa igu soo yaacay dad aan wadan wax dareys ah ama ugu yaraan aysan ka muuqan astaamaha lagu yaqaan shaqaalaha Madaaradda Caalamiga ah, midba dhan ayuu ii jiitay, mid wuxuu igu canaantay inaan markale dhiibo lacagtii tigidka diyaaradda tiiyoo aan horay u dhiibay, waxaa layaab igu noqotay in uu igu yidhi diyaaradda deyn ayaad kusoo raacday!- waa yaab !- oo sidee diyaarad deyn loogu soo raacaa?.

Kadar oo dibi dhal mid kale ayaa leh “adigu ajnabi ayaad tahay, dalka gali maysid jeer aad $50 dhiibto”. Mid kale ayaa si hal haleen ah ii jiitay  oo igu yidhi “ TAX ayaa bannaanka Garoonka iigu baakiman ee soo dhaqaaq “ kkkkkkkkk waxaa kasii daran in mid kale igu sharciyeeyay inaan dhammaan sarifto lacagaha qalaad ee aan sito inta aanan garoonka ka bixin, malahayga ninkan dambe wuxuu ahaa SARIFLE doonayay inuu qiima jaban iiga badasho wax xoogaaga aan sitay oo qalin-shubato ayuu iila muuqday.

Intaas oo mushkiladood waxay igu dhacayaan mar qudha iyo meel qudha, bal adigu sawirro fowdada intaa la eg. Koley anigu waxan ku tilmaamay sidii maqaxi koox gaar ah u futantahay iyo boosteejooyinka ama astaamaha gawaaridda laga raro oo aalaaba waa meelo saxmad miidhan ah buuquna uu ku badan yahay ….aragtideyda…., maxaayeelay nidaamkii Dowladnimmo meesha kama muuqan.

QADKA CAGAARAN.
Magaaladdu waxay u kala go’antahay laba qeybood, waa qeybta ay Dowladdu joogto iyo qeybta kale oo ay Mucaaradku ka taliyaan. Xadka kala qeybiya wuxuu kasoo bilowdaa dhanka Xeebta Liido, isagoo soo dhexmara Degmooyinka C/Caziis,Shibis,Boondheere,Wardhiigley,Hodan iyo Howlwadaag. FG. Wax badan ayaa is badali kara  bacdamaa uu jiro isriixriix. Waxaan ukala qaadayaa laba Gaddi, Gadigga  Dowladda iyo Gadigga Mucaaradka.

GADIGGA DOWLADDA.
Marka si loo fiiriyo way ka saxmad iyo buuq badan tahay dhanka ay Mucaaradku ka arrimiyaan, sababtuna waxay tahay way ka madfac iyo hoobiye yar tahay, inkastoo mar marka qaar uu ku hoobto. Dadka Magaaladda  dagaaladda fool ka foolka ah waxay ka neceb yihiin madaafiicda la is weydaarsado oo magaaladda afarteeda koono lagu garaaco, maxaayeelay waxaad ka garan kartaa  magacyada ay ula baxeen iyo sida ay  uga qeyla-dhaammiyaan kolka lagu xasuuqo. Magacyadda waxaa ka mid ah: Fooryaaye, Rujiye, Kii Weynaa iyo kuwo kale ba.

Dhanka Dowladda kaso kow madaafiicda oo aad ugu yar marka la barbar-dhigo dhanka Mucaaradka, hadana Dadku waxay aad uga cawdaan dhaca joogtada ah oo ay kula kacaan ciidamadda Dowladda ama ugu yaraan Rag soo labbista dareyska ciidamadda lagu yaqaan balse qowleysato ah oo aan ciidamada shaqo ku lahayn.

Dhanka ay dowladda ka taliso Gabdhaha indhashareerka xirta aalaaba way iska faydaan sifo aan loogu tuhmin inay shirqool maleegayaan. Waxaa ku badan dhanka ay Dowladda maamusho qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ay fuliyaan ama lagu eedeeyo dhinacyadda Dowladda kasoo hor jeeda.

Sidaasoo kale Askarta Dowladda ayaa marmarka qaar dhexdooda is dirira oo waxyeelo isgaadhsiiya  ama dad shacab ah ay wax kasoo gaadho rasaasta ay tuurayaan.

Ciidamadda Dowladda ma aha kuwo ay ka muuqato haybaddii iyo sharaftii lagu yiqiinay Ciidamaddii qalabka siday ee Soomaaliya oo Booliis, Militari iyo Nabad-sugid ba lahaa. Waa Ciidan ay  weli ka muuqato saameyna uu ku yeeshay dagaalkii sokeeya ee Dalka burburiyay, kolka aad aragto hab-dhaqankooda mooryaanimadda, dhaca iyo boobka ku salaysan oo ay Dadka kula kacayaan.

Taa macnaheedu maaha in Ciidamadda dhammaan ay sidaa wada yihiin, Hasayeeshee waa dhaliil weyn oo aad u muuqata indhahana aan laga laaban Karin.

Dowladdu waxay maamushaa Xamartii hore ee Qaddiimka ahayd sida Degmooyinka: Xamarweyne,Shangaani,Xamar-jajab,Waabari,Boondheere iyoDegmadda Madiina.

Sidaa soo kale waxaa jira Degmooyin ay isku horfadhiyaan kooxaha ka soo horjeeda  oo labada qola ba midna gacan buxda kuma hayo sida Degmooyinka C/Caziis,Shibis,Wardhiigley,Hodan iyo Howlwadaag.

Waxaan ku arkay Magaaladda Muqdisho Qad-cagaaran oo si iskiis ah u sameysmay kolka aad eegto sida ay Magaaladu u kala xidhan tahay oo ay ukala qeybsan tahay, Waxaa dhanka Dowladda looga tallaabaa labo wado middood oo kala ah :Ex koontarool Afgooye iyo wadda isgoyska Dabka ee Degmadda Waabari, inta kale waa goobo la isku horfadhiyo oo uusan qofna mari Karin.

Labada dhinac ee Siyaasadda Dalka maanta isku haya  mid ba midka kale magac gaar ah ayuu ula baxay oo aan ahayn kan rasmiga ah ee ay isugu wan-qaleen.

Dowladdu waxay u taqaanaa mucaaradka Nabad-diid, Ajaanib,Dhalinyaradda la qalday  iyo kuwo kale, (waa sidey ugu yeedhaane). Mucaaradkuna sidaasoo kale waxay u yaqaanaan Dowladda Murtadiin iyo Gaalo diinta islaamka ka baxay (waa siday hadalka u dhigaanne) afkaartooda waa mid aad ukala fog dadka shacabka ah na lama dhacsana sida ay wax u socdaan.

GADIGGA MUCAARADKA.
Joqoraafi ahaan dhulka ay ka taliyaan Mucaaradka aan isku ujeedada ahayn, wuu ka baaxad weyn yahay dhinaca ay dowladdu joogto,

Waxaa si isku dhaf ah uga taliya Ururadda Alshabaab iyo Xisbul Islaam, oo midba amar soo saara, oo misana ka hirgaliya xoog iyo xeeladba.

Ururadan xiriir adag kama dhexeeyo, waxa kaliya oo ay isku waafaqsan yihiin na waa af-gambinta iyo rididda DKMG ah ee Muqdisho fariisinka u ah.

Mar kasta waxaa la filan karaa dagaal dhex mara labadan koox, kolka la eego hadaladda taagtaagan ee ay Warbaahinta isu marinayaan. Inta aan joogay Magaaladda waxaa xowli ku socday dilal qorsheysan  oo ay kooxuhu isku ugaadhsanayaan tiiyoo dagaal weyn uu isla kooxahan ku dhex maray Goboladda Jubbooyinka ilaa hadana weli halkaas ka socdo.

Dhanka kale waxaa muhiim ah in kolba dhan la iska taago waxa markaa laga hadlayo. Hadaba waxaa la iska indha tiri Karin Amniga iyo Nabadgalyada ka jirta dhulka iyo deegaanadda ay kooxaha mucaaradku maamulaan.

Dhacdooyinka amni-darada ah ee ka dhaca Degmooyinka ay joogaan Muacaaradku waa kuwo fara kutiris ah ama waxaa la oran karaa waa waxaan jirin aniga aragtideyda, maxaayeelay waxaan arkay guryo muddo 2 sano ka hor laga qaxay  alaabtiina ay dhextaallo oo weli aan qaado laga qaadan cid waardiyeysana aysan jirin, sababtuna waxay tahay in ay gacan bir ah ku hayaan amniga oo hadii ay arkaan ruux ku kacaya waxyaabo amniga lid ku ah ama iyaga mashruucooda kasoo horjeeda waxaa la mariyaa ciqaab aad u adag, sidaa daraadeed dadku aad ayay uga baqayaan sax iyo qalad waxay sameyn lahaayeen ba.
In qof kastaa la marsiiyo abaalkiisa sifo uu amnigu usii jiro waa wax aad ammaan iyo bogaadin u leh, balse waxaa aad loogu dhaliilaa kooxahan dhulkan ka taliya in markasta ku amar ku taagleeyaan dadka oo misana ku kacaan arrimo aan waafaqsaneyn Shareecadda Islaamka sida:
Dadka oo sida xoolaha loo bireeyo, cabsi galin joogto ah, handadaad iyo caga-jugleyn  iyo ciqaab aad u adag oo ay fulinayaan dhalinyaro aad u da’ yar tiiyoo aan loo aabbe yeelin nuuca ciqaabeed ee dambiilaha ku habboon, sidaa soo kale dhalinyaradda ciidanka u ah kooxahan  dadka ayay jir dilaan ama ugu yaraan garaacaan iyagoo aan marsiin habka caddaaladda iyo maxkamadaha.
Tusaale ahaan maalin baan isa soo dul taagay laba wiil oo dhalin yaro ah oo ahaa Kirishbooyo ama Nacamleeye .. sida ay dadka qaar  u yaqaaniin-  waana wiilasha rara gawaaridda ukala gooshta inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Waaxaa ciqaabayay dhalin yaro kale oo ciidamada ka tirsan, dambiga kaliya ee  aadka loogu ciqaabayayna waa kaliya !
iyaga oo isku qabqabsaday dad rakaab ah.
Dadweynaha aad bey uga cawdaan kooxahan, waxaana ka mid ah in aad loo caburiyay dadka oo aysan dhaliili Karin ama wax ka sheegi Karin qaladaadka ay ku kacayaan dhalinta ciidanka u ah inay ammaanaan mooyee, taasoo si ugu eg habdhaqanka kali-talisnimadda. Nin baa maalin igu yidhi mar uu hadal iga soo baxsaday AFKAAGA GARIIR SAAR , kolkaan weydiiyay na wuxuu war iigu soo koobay sida mobile-ka ama telfoonadda gacanta gariirka (vibrating or silent) loo saaro afkaaga gariir u saar macnaha aamus oo afkaaga xidho haddaad rabto inaan magaaladan ku noolaato cidna afaarahooda ha galin. Intaan joogay Magaaladda gaar ahaan dhankan ay qolyahan mucaaradku ka taliyaan weli kuma arag laba qof ama koox dad ah oo intay meel isugu yimaadaan ka sheekeysta arrimo Siyaasadda  iyo dagaaladda la xidhiidha ama ugu yaraan faaqidda wadciga uu Dalku marayo sababo cabsi iyo iyagoo ammaankooda u baqanaya xaaladduna waa “afkii baa juuq na gabay”.
Dhanka kale deegaanadan aan ka sheekeynayo waxaa aad ugu badan madaafiic tiro-beel ah oo ay soo hurgufayaan ciidamadda AMISOM, iyo ku DKMG ah, waana sababta kalliftay inay dadka aad uga barabaxaan oo ay geedaha hoostooda seexdaan ama ugu yaraan u cararaan dhanka dowlladda bacdamaa ay ka madfac yar tahay.
Sida dad badan ay isla qireen madaafiicda waxay aalaaba kusoo hoobtaan dhankan ay mucaaradku joogaan kolka kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay hoobiyeyaal ku tuuraan xarumaha ciidamadda AMISOM iyo kuwa dowladda.
Waxaaba sheeko caan ah noqotay in marka madfac qolooyinkan mucaaradku ay tuuraan jawaab degdeg ah ay kasoo bixiyaan ciidamadda Afrikaanka ah, taasoo ay dadku magacyo dhowr ah u yaqaanaan sida (flash iyo soo wicitaan) oo ay ka mataleen telfoonka gacanta.. Madaafiicdu waa kuwo isdaba joog ah oo baas usoo dhaca sida qoryaha darandooriga u dhaca oo kale, malahaygu ruux Bini’aadam ah ma ridee Barees Koronto ayaa  ku xidhan oo lagu ridaa oo shan shan iyo toban toban ayay!
 halmar usoo dhacaan ilbiriqsiyo gudahood. Xasuuqa ugu badan ba’anna wuxuu ku dhacaa suuqa Bakaaraha.

SUUQA BAKAARAHA
Suuqa Bakaaraha inta taqaan way taqaan intaan aqoonse waa Suuq aad u weyn oo halbowle u ah guud ahaan ganacsiga Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Muqdisho.Muddo aan sidaa usii fogayn Suuqu wuxuu ka koobnaa Baqaarro iyo Sandaqado Jiingado ka sameysan, wixii ka dambeeyay duullaankii Ciidamadda Xabashiddu ku qabsadeen Magaaladda Muqdisho, waxaa aad usoo batay dhismayaasha shubka adag kasameysan ee dabaqyada ah, taasoo ay dadku ku micneeyeen in madaafiicda looga gabbado ama ugu yaraan looga gaashaanto dabka aalaaba ka kaca Suuqa oo ay hanti badan ku gubato.
Suuqa Bakaaraha waa meesha kaliya ee ugu saxmadda badan illaa hadda Magaaladda Muqdisho, dadka ku ganacsada iyo kuwa usoo dukaameysi taga ba waxay isaga kala yimaadaan Magaaladda afarteeda gees. Suuqa maalmana howlihiisu si habsami leh ayay u socdaan halka maalmaha qaarna meydka iyo dhaawucu isdhex bilqan yahay madaafiicda culculus owgood oo dhagixii latuuraa qof ayuu ku dhacaa.
Suuqan waa xarunta ay ka biyo cabbaan Ururadda Dowladda kasoo horjeeda tiiyoo ay taal hanti badan oo ay soomali leedahay.
Dhan marka laga eego Suuqu waa meelaha ugu dhismaha badan misana ugu dhaqdhaqaaqa badan, waa Suuq soo dhaweeya Dadka dan-yarta ah, waa Suuq ay taal hantida ugu badan Dalka Soomaaliya.
Dhanka kale waa Suuq musuqmaasuq badan waxaana ku yaal  Xarumo waaweyn oo lagu sameeyo waxyaabaha la been abuuro waxaana loo yaqaan C/dalla Shiddeeye. Sidaasoo kale waxaa laga heli karaa oo lagu iibiyaa Hubka nuucyadiisa kala gaddisan. Suuqu wuxuu kaabigga ku hayaa aagga uu dagaalka ka holcayo sidaasoo ay tahay hadana Dadka ku ganacsada kuma ba jirto wax cabsi ah ama walwal ah oo howlahooda ayay iska wataan, qaarkoodna kamaba war hayaan waxa ka dhacaya dhanka kale ee Suuqa haddii Dad iyo Duunyo ku rogmadaan, marka uu madfac ku soo dhaco Dadka waxay ku dhuuntaan guryaha shubka ka sameysan oo wax xoogaa dhaama meelaha kale, kana qasaaro yar. Xaafadaha  ay Dadka Shacabku daganaayeen iyo inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaal dhankan ay joogaan Mucaaradku waa kuwo burbursan, Guri ma jiro illaa rasaas ayaa ku taal, maxaayeelay tan iyo waagii Xabashidu Dalka soo galeen madaafiicdii ku billaabatay  ayaa ilaa hadda ku socta.
Xaafadihii Dadku ku badnaan jiray manta waa cidlo, iska daa Dade Duunyo kuma dhaqna waa Howd waxaana aad ugu badan Geedka Cali-garoobka looyaqaan Dadka qaarna u yaqaanaan Geed-yuhuud iyo Boocbooc ayaa sidii keyn lama galaan ah uga baxay oo meelaha kan ayaa Dad ku noolaan jireen kugu soo dhici mayso

WARBAAHINTA MUQDISHO.
Warbaahinta qaybaheeda kala duwan sida Wargeysyadda, Idaacadaha,Televishinadda iyo qaybaha internetka  dhammaan waa kuwo ka howl gala Magaaladda haba ukala dambeeyaane.
Warbaahinta xorta ah gaar ahaan Idaacadaha gaarka looleeyahay ee Madaxa-bannaan ayaa sanadkii 1999 wixii ka dambeeyay  ahaa kuwo ka hanaqaaday Dalka  guud ahaantiisa siiba Magaaladda Muqdisho, Xilligaa wixii ka dambeeyay waxay ahaayeen kuwo xowli ku kobcaya  maalin ba maalinta ka dambeysa, misana uu tartan ka dhexeeyo. Xilligan  Idaacadaha FM-ka ah ee ka howl-gala Magaaladda Muqdisho oo kaliya waxay tira ahaan sii cagacageynayaan 15 Idaacadood, dhamaan na waa kuwo gaar loo leeyahay marka laga reebo Radiyihii Qaranka oo ay Dowladdu maamusho hadda. Waxay ka soo wada galaan muujado is barbar yaal oo garbo siman ah, waxayna kala yihiin magacyadooda: Raadiyaha iyo Televishinka Hornafrik, Radio Banaadir, Raadiyaha iyo Televishinka Shabeelle, Idaacadda Quraanka Kariimka, Radio Soomaaliweyn, Radio Simbba, Radio Danan!
Radio Xamar, Raadiyaha iyo Televishinka GBC,  Radio Muqdisho, Radio Capital Voice,  Radio Xurmo, Radio Alfurqaan Iyo Radio Bar-Kulan (waa radio uu UN-ku maalgaliyay).Tira badnidaas tayo xumo ayaa u wehlisa.Barnaamijyadda ka baxa Idaacadahan waa kuwo aan  ku salaysneyn ujeedooyinkii kolkii hore laga rabay inay xaqiijiyaan oo ahayd inay dadka waxbaraan oo ay ku hanuuniyaan wanaagga, Nabadda iyo Horumarka ka shaqeeyaan , iyo inay xog iyo macluumaad xaqiiqda ku salaysan siiyaan dhageystayaashooda iyo inay Umadda ku Madadaaliso Barnaamijyo waxtar uleh shacabka caruur iyo ciroolaba  oo misana ku saleysan Qiyamka iyo Akhlaaqdda
Umadda Soomaaliyeed iyo  ugu dambeyn inay ilaaliyaan Dhaqanka, Diinta iyo Qaranimadda Soomaaliyeed . Balse Idaacaduhu maaha kuwo utaagan waxyaabahaas aan kasoo sheekeynay, sababtuna waxay tahay Dadka ka shaqeeya oo aan aqoon fiican u lahayn Wariyanimada iyo Milkiilayaasha iska leh Idaacadaha oo mid kastaa dano gaar ah fulinaya bacdamaa  ay Idaacaduhu u ba!
danyihiin Idaacado Ganacsi. Waxaa inataas u sii dheer maaha ku!
wo Umadax-banaan sameynta Barnaamijyadda iyo Wararka Xaqiiqda ku salaysan oo aysan sheegi Karin, taa cagsigeed waxaa loo yeedhiyaa Wararka ka turjumaya danaha Kooxaha Siyaasadda Dalka isku haya, Kooxdii iska weysana durbaba waxay ciqaab adag oo dil iyo handadaad bal eh isugu daraan Idaacaddii ka madax-adaygta awaamiirta Kooxda.
Guud ahaan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka howl-gala Magaalada Muqdisho ma ahan kuwo xor u ah howlahooda iyo Mihnadahooda Warbaahineed. Runtii ciqaab aad u  kulul ayaa la marsiiyay illaa hadana lagama dayn cagajugleyntii iyo handadaaddii waana sababta keentay in inbadan oo Wariyayaal ah Dalka isaga barabaxaan  kuwa ku haray Dalka na  ay sandullo ku shaqeeyaan sifo ay u badbaadaan.
Markasta waxaa lagu qasbaa inay tabiyaan Warar aan Xaqiiq ahayn oo  Borobagaando u ah Shaqsiyaad ama Kooxo, haddaysan sidaa yeelinna waa Dil ama ugu yaraan waxaa lagala wareegayaa qalabka ay ku shaqeynayaan gabi ahaantiis.
Waxaa xusid mudan mar aan u kuur-galay sida ay Idaaacaduhu barnaamijyadda u tabiyaan in dhammaantood  si isku mid ah  oo joogto ah u tabiyaan shiiqa Caanka ah ee Soomaaliyeed fadhigiisuna yahay Magaaladda Hargeysa waa Shiikh Mustafa X. Ismaaciil Haaruun. Baaritaan gaaban oo aan arintan ku sameeyay na waxaan ku ogaaday in arintan ah in Shiikha Idaacaduhu xushaan ka wadaad ahaan isla markaana uu noqdo Shiikha kaliya ee ay casharadiisu sida joogtada ah ugan baxaan Idaacadaha Muqdisho inay tahay Rabitaanka Shacabka.
Shiikhu waa Shiikh dadka wax ugu sheega si cilmi iyo caqli saliim ah ku qotoma oo inta badan dhiraandhirin iyo ka dhaadhicin ay xikmad ku jirto oo misana ay ka muuqato Miyir, Daganaan, Dulqaad iyo Dhimrin aan Caadifad lahayn Dadka u wacdiya una wacyi-galiya, mahadi haka gaadhee Shiikh Mustafe miisankiisana Alaha ugu daro.
Wadaadadii kale waxay noqdeen kuwo la kala safta kooxaha Siyaasadda Dalka isku haya: “Maxay ka nuugtaa muxuuse ka nuuggaa” maxay Dad wacdiyaan  maxayse Dad wax u sheegaan iyagiibaa  manta faraqa isku dhaggan oo wax u sheeg u baahan maanta !!!……… Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa Haday qeylo yeedho masaajidkaa loo cararaa, Haday qeyladdii masaajidka ka yeedhana  meel loo cararo ma leh……….
Ugu dambeyntii waxaa Warbaahinta Muqdisho lagu eedeeyaa inay iyagu mas’uul ka yihiin oo ay buunbuuniyeen Shaqsiyaad iyo Kooxo kolkii hore uusan Shacabku garanayn , isla markaana jecel inay  dagaaladda markasta ka sheekeeyaan halkii ay Dadka Nabadda u horseedi lahaayeen.

WAXBARASHADDA.
(Iskuuladda iyo Jaamacadaha)

Dabayaaqadii sagaashanaadkii ayaa Akhyaar badan oo Ganacsato  iyo Aqoon-yahan ba  Leh isugu tageen, oo isku kaashteen sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen burburkii weynaa ee si guud  ugu dhacay Waxbarashadii Dalka  oo leh Iskuul,Jjaamacad iyo dhammaan adeegyadii aasaasiga uhaa Tacliinta. Nasiib-wanaag raggan Aqoon-yahanka ah oo isxilqaamay ayaa wax badan qabtay oo runtii lataaban karo, rajadii ahayn in wax labarto ayay dib boodhka uga jafeen, Ubixii Dalka ayay Mustaqbal u ifiyeen, misana dhiiri galiyeen, waxay abuureen Goobo Waxbarasho oo Hor leh min D/hoose illaa heer Jamacadeed haba ukala gadisnaadeen Manaahijta iyo luqadaha wax lagu barto taasoo Jaha-wareer iyo dhibkeeda leh.
Runtii dagaaladan ugu dambeeyay ee Muqdisho ka holcaya ka hor Magaaladu waxay la ciirciiraysay saxmadda Ardaydda, waxayna aad ugu dhex dhalaalayay middabadda kala duwan ee dharka Ardaydu xidhaan. Nasiib xumo waxaas oo dhan oo wanaag ah lama xushmeyn, qiimihii iyo qaddarintii ay mudnaayeen na lama siin, waxaa ku dhacay hooggii ku dhacay Shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis. Inta badan Iskuulladii iyo Goobihii Waxbarashada way burbureen , waa burburkoodii labaad tan iyo burburkii Dowladdii Soomaaliya. Ardayda iyo Macalimiinta ba saameyn weyn ayuu ku yeesheen Dagaaladan nasiib-darrada ah ee Dalka ka socda. Dilka, Dhaawaca, Barakaca, Qaraxyada, Burburka iyo Meehanowga ba intaba way isugu darmeen.
Bahda Waxbarashada bacdamaa ay ka mid yihiin bulshada inta soo hartay waa kuwo garab ku rarato ah oo hadba meeshii nabad ah kaddaga Magaaladda am ula qaxa Dadweynaha meeshay ubadkooda ula qaxaan.

CAAFIMAADKA IYO CUSBITAALADDA.
Sidaa soo kale Magaaladda malaha Cusbitaallo waa weyn oo ay u dhameystiran yihiin dhammaan agabkii iyo qalabkii caafimaad oo dabooli lahaa baahidda caafimaad haba ugu darnaadeen dhaawaca xad dhaafka ah iyo dhiig-baxa Shacabka Soomaaliyeed.
Cusbitaalladii laga dhaxlay Dowladdii Kacaanka waxaa weli ka nool oo ka dhaqdhaqaaqa labada Cusbitaal ee Madiina Iyo Keysaney, iyaguna waa kuwo aan  haqabtiri Karin dhaawaca isdulsaaran oo mar ba marka ka dambeysa iska soo daba dhacaya.
 Waxaa intaas kasii daran oo aan la tacajibay dadka dhimirka beelay oo maskaxdu isku dhexyaacday, kuna wareeray dagaaladan aan kala joogsiga lahayn ee maalin ba maalinta ka dambeysa kasii daraya. Tiro aan yareyn asse aan anigu xisaabin ayaa ku waashay dagaaladda kuna miyir-gaddoomay aafadda socota. Inta badan dadku waxay ku hal-qabsadaan ama u sameysteen eray-bixin cusub sida: Hebel qadkaa ka maqan, Hebel waa Offline, Dibaddaa u furan iyo kalmado kale oo kuwaa la mid ah.
Mar aan booqday Cusbitaalka Madiina oo ah kan ugu dhaqdhaqaaqa roon Magaaladda ayaa waxaan kula kulmay diif iyo darxumo weyn oo haysatay Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan oo si weyn loogu gumaaday Magaaladda Muqdisho.
Dhiigga iyo dheecaanka Cusbitaalka dhexyaal waa wax lagu yaqyaqsado, hadana waxaan kuu oggolaanayn damiirkaaga Soomaalinnimo,Islaanimo iyo mid kaaga Bini’aadannima ba inaad ku labalabbooto darxumadda meesha taal. Dhanka kale Magaaladda waxaa si shul iyo shal ah uga dhex shaqeeya Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah (Ambulance) oo ay ku tabaruceen hantiley Soomaaliyeed. Iyagoo aad u tira yar ayay u kala gooshaan dhaawaca iyo meydkana kasoo daadgureeyaan guud ahaan Magaaladda Muqdisho, Inkastoo aan la xushmeyn, shacabkuna dariiqyada ku cidhiidhiyaan dhinacyada hubeysanna ay rasaas la dhacaan in badan oo raggan ka mid ahna ay waxyeelo kasoo gaadhay amaba ku dhinteen.

DADKA BARAKACAY.
Kadid duullaankii Xabashidu ku qabsadeen Magaaladda  Caasimadda ah Ee Muqdisho waxaa barakacay sadex dalool laba dalool (2/3) Dadkii ku noolaa Magaaladda. Inta ku hartay Magaalada na waxay isugu jiraan kuwo dantu bidday inay dhex joogaan qaska iyo qalalaasaha islamarkaana aan haysan qarash ay ku qaxaan, iyo kuwo ka door biday dhilqaha, kutkudaha iyo kutaanta kabuuxda xerooyinka iyo deegaanada loo barabaxay inay ku nasiibsadaan madaafiicda la isku asqeynayo. Magaaladda Dadku way cidleeyeen, waxaad na mooddaa kolka aad dhex socoto howd lama galaan ah meelaha qaarkood, illeen Dadka ayaa cammira nolosha.
Dadku waxay daadsanyihiin inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana abuurmay deeggaanno hor leh oo cusub isuguna tageen dadkii dan-yarta ahaa iyo kuwii wax haystay ba. Kuwo buushash cooshado ka sameysay iyo geedaha hoostoooda ayaa Hooy u ah halka dadka ladan ama uu jeebkoodu buudhan yahay ay dhisteen Guryo Villooyin ah. Waxaad na ka garan kartaa sida loo kala daggan yahay. Sidaa soo kale waxay abuurteen Suuqyo ganacsi oo runtii ay aad u cammirteen, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, oo aad mooddo kolka aad dhex lugaynayso inaad joogto Suuqa Bakaaraha.
Dhinaca kale Dadka dan-yarta ah waxay isdulsaaran yihiin buushash cooshado ah oo baakado iyo callalo la isku xidhxidhay ka sameysan, Inbadan oo kamid ah na waa bannaan-yaal aan xittaa haysan buush ay cadceedda, boodhka, iyo qabowga kaga gabbadaan. Dadku waxay ku firirsanyihiin  hareeraha Magaaladda Muqdisho sida: Garasbaaley,Siinka-dheer, Tareedishe (13km), Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Calamadda, Lafoole illaa Degmadda Afgooye. Dhammaan deegaanadan waxay Muqdisho kaga beegan yihiin jihada Koonfureed. Sidaa soo kale waxaa jira Dad iyana daadsan Jihadda Waqooyi oo iyaguna Cadceedda  Marti u ah  ILAAHAY oo kaliya ayaa u maqan cid kale oo daryeesha ama ugu yaraan ka naxda waxa ay Dadkan ku suganyihiin ma jirto, iska badaa in wax la taree dagaalka ayaa looga daba geeyaa meelaha iyo xeryaha ay qoxootiga ku yihiin.
Silaca iyo saxariirta taal meesha wax laga sheekeyn karo maaha, waa wax aad u xanuun badan ruuxii damiir bini’aadannimo uu ku dambeeyana waa wax uu aad ula murugoodo aadna uu uga qiiroodo diifta iyo dar-xumadda meesha taal.

XAALADDA BINI’AADANNIMO.
Dadku waa Dad dan-yar u badan islamarkaana Caruur  ,Waayeel iyo Dumar ubadan, mana heli karaan waxay naftooda iyo Caruurtooda ku quudiyaan iskabadaa Hu’ iyo Hooy iyo meel ay kaga gabbadaan kuleylka qoraxdda. Qaarkood maalmo ayay qatanaadaan, Biyihii nolosha aas’aasiga u haa na ma helaan hadday helaanna waa wax yar oo aan ku filnayn baahidooda maalmeed, maxaayeelay intii badnayd waa la joojiyay Hay’adihii ku magacsheegan jiray ugu yaraan inay quudiyaan amaba haraad bixiyaan sababo ammaan. Sida intiina badan aad la socotaan waxaa la joojiyay Hay’adihii Gargaarka oo ay ku jirto Hay’adda WFP ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan raashin qeybinta, Si kasta oo wax looga sheego ama dhaliil kasta oo ay leeyihiin Hay’adaha Dad badan ayaa ku tiirsanaa oo ay wax un siin jireen.

Marka aad Kaamamka dhex marayso waxay indhahaagu qabanayaan Dad dhulka yaal oo aad moodo inay nolosha ka quusteen, qarkood Gaajo ayay sara-joogsigii la gabeen oo Macluun iyo Nafaqa-xumo ayaa ka muuqata, Halka qaarka kalana ay la daalaa dhacayaan Cudurro kala duwan haba ugu badnaadee Shuban Biyoodka ama Daacuunka  bacdamaa xilligii kulaylaha lagu jiro, sidaa soo kale waxaa aad ugu badan Dadka Cudurrada Maqaarka ku dhaca waxaana sababta ugu weyn ay tahay dadkoo aad
ugu badan Kaamamka iyo Nadaafaddoo aad ugu yar.
Qoysas badan ayaa dantu waxay bidday inay Caruurtooda u diraan Magaaladda si ay ugu soo qaraabaan Xalaal iyo Xaaraan waxay soo helaan maadaama ay Gaajo hayso, kolkaasaa dhalinyarro aad u Da’ yar ku biiraan Kooxaha kala duwan ee Dalka ku dagaalamaya, Qaar way ku dhintaan  kuwana lixdooda lixaad ayay ku waayaan oo way ku naafoobaan dagaaladda halka qaarka kalana Raq Iyo Ruuxdooda ayaa la waayaa. Isku soo duuboo Dadka waxaa isugu darmay  Macluul,Gaajo, Oon iyo Harraad aan la qiyaasi Karin oo waxay arintu joogtaa halkii la odhan jiray “ Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna”

GABAGABO.
Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gabagabeeyo qormadaydan dhowr arrimood oo isa sudhan : Waa midda koowaade in Dalkii iyo Dadkii ay ku halaagsameen Dagaaladan naxariisdarrada ah ee aan loogu aabba-yeelayn Shacabka marrasta iyo  maatidda u badan. Qodobka labaad na wuxuu yahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Muqdisho marnaba aysan raali ka ahayn  rabinna Kooxahan kala jaadka ah  hadana kala ujeeddada ah ee ku hardamaya Xukunka Dalka, waxayna sheeko ka joogtaa “ Hashii Ninkii Gurranaa Uu Raacay Dhinacna Uma Fiyooba” iyo sheeko kale oo ahayd “ Hadda ka hor ayaa nin Geel fara badan lahaa, kolkaasaa maalin  Geelii intuu diday ayuu ninkii lahaa ku tuntay, intaa ka dib ayaa rag kale oo ay ninka Geela leh Qaraabo yihiin weydiiyeen Geelu wuuba kugu tuntaye Hashii kuugu darneyd, kolkaasuu ku jawaabay Miyayba ku jirtay hal aanan dhihin “Majabtey ahayd” calashaan iima kala roonayn” sidaa si la mid ah dhammaan kooxanan maanta Siyaasadda isku haysta ma jirto !
mid aan Shacabka dhibaateyn. Runtuna waxay tahay in kooxahan Magacyada kala duwan leh ay yihiin dhamaan anoon kala reebin Dowlad walaa Mucaarad “Lahaystayaal is haysta oo hadana Dadka haysta”
WQ: Sayyidcali Xuseen Gaabane
Sayyidcali Xuseen Gaabane (Gaabane99@hotmail.com

BURCAD-BADEED (XAALUFINTA KALLUUNKA)














Maan Dadeed waa mudacyo afkood waa mid ka mid ah Maahmaahda Soomaalidda, macneyn bandanna uma baahna oo waa macruuf. Ra’yiga in la isweydaarsado waa muhiim hadana in Fikradaha dadku ay is khilaafaan waa shey dabiici ah oo aan la yaab la heyn waxaase wax lala yaabo ah in qoraa Soomali magaceed wata oo misna Waaqica dhabta ah aan ka run sheegin ama si aan Cadaalad iyo dhab ka hadal ahayd wax uga qora Arimo badan oo ay ku jirto Burcadda badaha, Waxaana jecleystay in aan maro waddo aan ahayn middaa ay horay u mareen Dadka sida dhinac jirka ah wax u qaadaa dhiga ama u qora.
Arintan Burcadda badaha waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ay umadda soomaaliyeed la daalaa-dhaceyso, Waxaana Sababteeda koowaad loo tiriyaa in aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa oo danaha dadkeeda iyo dalkeeda ka difaacan karta Cadawga hororka ah ee magacyadda badan leh.
ERAY-BIXIN.

Dhanka kale Erayga BURCAD-BADEED waxaa eray-bixintiisa leh aadna u buunbuuniyay warbaahinta guud ahanteed gaar ahaan warbaahinta Reer galbeedka, tan soomaliduna waxaad moodaa in wadaniyadii ayba ka luntay oo ay raad raacaan halka ay midda Galbedku marto. Hadaan usoo noqdo Erayga Burcad Badeed sida erayga ku cad ba waa laba eray oo la isku kabay deedna sameeyay Eray kale oo macna kale leh. Erayga Burcad sida aad Wada garanaysaan Wuxuu la macno yahay Erayo badan oo soomaliyeed sida Tuug,Mooryaan, qowleysato, Jidgal, iyo qaar kale oo idinka maankiina kusoo dhici kara, Sidaasoo kale Erayga kale waa Bad oo ah Dhulka ka baxsan berriga oo ay biyuhu ceegaagaan. Isku soo duuboo waa Tuugta/qowleysatada/burcadda badaha.
Sida ay qabaan in badan oo kamid ah umadda soomaaliyeed guud ahaanteed gaar ahaan Aqoon-yahanka wadaniga ah, waxaa loo qeybiyaa Burcadda badaha laba qeybood, waa mide BURCADDA WEYN iyo BURCADDA YAR YAR.

TAARIIKH KOOBAN.
Sida laga yaabo in aad intiina badan la socotaan kadib burburkii Dowladdii Soomaaliya 1991-kii waxaa meesha ka baxay waardiyihii iyo difaacii Badda Soomaaliyeed, sidaas si la mid ahna waxaa meesha uga baxay Xannaaneyntii iyo ilaalintii khayraadka Baddeena, haba ugu horeeyaan Kaluunka Qeybihiisa kala duwan, Hadaba waxaa sahal noqotay in ciddii doontaa ay Soomaaliya Baddeeda iyo berrigeedaba waxay doonaan ka sameeyaan, haday noqon lahayd kuwo ku shuba haraadiga suntan Nugliyeerka taasoo saameyn weyn ku yeelata Deegaanka, Cudurro halis ahna ay ka dhashaan , iyo sidaa soo kale qolyo Daldasha Khayraadka dabiiciga ah iyo kaluunka addunka loogu jecel yahay ee Uu Eebbe (sw) si gaar ah noogu maneystay.

BURCADDA YAR YAR .
Burcada Badda ee yar yar,  waxay ku aburmeen duruufta aan ka soo sheekeynay iyo markii ay bateen xaalufintii iyo boobkii lagu hayay Badda Soomaaliyeed. Qolyaha Boobka iyo bililiqadda joogtada ah ku haya baddeena kuma ekaan Badweynta,  nasiibxumo,  waxaa uu hungurigoodii ula soo fogaaday dhanka xeebaha oo uu kaluun dhaylo ah ka buuxo.
Kaluumeysato markoodii hore ba naflacaari ahaa, kolkoodii horana Badda ugu jiray bariiska inay kasoo dhacsadaan oo biilasha cidaha kasoo saartaan ayaa waxaa si mowjad ah usoo dul dagay maraakiib ay ku rakiban yihiin warshado iyo mashinno waaweyn oo Kaluunka lagu gurto deetana lagu warshadeeyo.
Burcadda Badda ee waaweyn kuma ekaan dhacaas Iyo boobkaas balse waxay bilaabeen in ay burburiyaan wixii doomo ahaa oo ay wateen kaluumeysatadii masaakiinta ahayd dilna waa ugu dareen, waxaa bilowday nuuc diidmo iyo mudaharaad ah oo ka dhan ah Burcadda Weyn (Tuugadda Shisheeyaha ah), Kaluumeysatadiina waxay bilaabeen inay is abaabulaan si ay isaga difaacaan Xadgudubkaas lagu hayo Maadaama aysan Jirin Dowlad Adag Oo Ka Difaacda Horarka Dhaca Iyo Dilaka Iskugu daray.
Nasiib xumo kolka ay halkaa sheekadu mareyso ayaa waxaa laga barbar furay kaluumeysatadii is difaaceysay Burcad badeed aan u adeegeyn danaha Umadda Soomaaliyeed balse ay ku shaqeystaan Shirkado laga lee yahay Dalal shisheeye, sifo loo sii xalaaleysto dhaca iyo boobka lagu hayo khayraadkeed Umadda Soomaliyeed iyadoo looga faa’iideysanayo Daciifnimadooda iyo Dowlad la’aantooda. Kadib sameyntii ay Shisheeyuhu Sameeyeen Burcada Yaryar ee Saldhigtay Magaalooyin kamid ah Wadankeenna, waxaa sii xoogeystay Marmarsiyihii iyo Qolyihii Wadanka Nimcadiisii meesha cidlada ah ka helay markii horaba.
Markaan sheekadu waxay isu rogtay waxaan la dagaalameynaa Burcad Badeed, Waxaa si xadka bax ah loo soo dhoobay Maraakiib Dagaal oo aad u waaweyn, Baddii soomaliya waxay noqotay Neef raq ah oo ay Hilbihiisu isugu habar wacdeen Habar-dugaag. Xitaa Dowladihii cadawga isu ahaa Sida IIRAAN Iyo Mareykan Maraakiibtoodii Dagalka ayay keeneen, Dadku walwal ayaa galay oo waxaa laga cabsi qabay in lagu dul dagaalamo Cabsidaasna weli meesha kama maqna, Dowlad walibaa waxay ilaashataa Maraakiibta Baddaa ka gooshta, kuwa kuwa kalluunka u jillaaba iyo kuwa qashinka ku aasaba.

ISLAAMKA IYO DHAQANKA SOOMAALIYEED
Sharciga Islaamka ma ogola in la dhaco, ladilo ama ba la afduubto dad aan waxba galabsan, ha ahaadeen Muslimiin ama Dad aan muslim ahayn. Sidaa si la mid ah dhaqankeena soomaliyeed wuxu aad u xaqdhowraa aadna u ilaaliyaa Martida iyo dadka safarka ah waana xadgudub dhaqameed dhacdooyinka ceynkaas ah.

BURCADDA WAA WEYN EE BADDA:
Waxaa aad u haboonaan laheyd in Warbaahinta ay had iyo jeer ba hadal hayaan BURCADDA BADDA EE WAWEYN maxaa yeelay iyagaa ka Qatar badan kana dhibaato weyn Kuwa yar yar, laakiin nasiib xumo sidaan horay u sheegay Burcadda soomaalida ayaa Dambigii oo dhan dusha loo saaray tiiyoo aan lasoo hadal qaadin kuwa baaba’a iyo balambalka ku haya Baddeena.
Dhibaatoyinka ay BURCADDA WAAWEYN EE BADDA ku hayaan baddeena maaha kuwo lasoo koobi karo waxaanse ka xusi karaa kaso kow gurashadda kaluunka waxay aad u raadshaan nuuc ka mid ah kaluunka oo aad looga jecel yahay adduunka, meelaha uu sida gaarka ah ama kali kaliga ah ugu jirana waxa ka mid ah Wadankeena Soomaliya, Kolka ay helaan nuucaan kalunka ah waxay ururiyaan iyagoo nool nool iyo ukumahooda ba si ay ugu beertaan badahooda, taasoo sababi karta Xaaluf iyo ugu dambeyn in la waayo sidiisa ba.
Arintan waa dambi weyn oo laga galayo Umadda soomaaliyeed, waxaana aad u fiicnaan lahayd in la diiwaan galiyo shirkadahaas dhaca bareerka ah ku haya umadda.
Dhibaatooyinka kale oo ay nagu hayaan BURCADDA WAAWEYN EE BADDA Waxaa ka mid ah suntan haraadiga Nugliyeeraka ee ay ku shubayaan baddeena, taasoo dhalinaysa baaba’ iyo halaag ku yimaada kheyraadka badda iyo dhibaato caafimaad oo u soo gudubta dhanka berriga. Sida la arkay sanooyinkaan dambe waxaa aad u soo badanayay dhalashada caruur Tiibisho (TB) qabta xilliga uu Ilaahey Ifka keeno, waana dhibaato ku cusub ummadda soomaaliyeed waxaana sababteda leh Suntaas Baddeena lagu aaso oo ay Shaqsiyaad Soomaali sheegta ay Qandaraasyo ku soo qaataan si ay ugu soo waaridaan umadda Qashinkaas iyo suntaas, taariikhdaana xusi doonta Dambiilayashaas.

GABAGABO.
Inta aanan Xalka sheegin Aan ka codsado Warbaahinta Soomaaliyeed Qeybaheeda kala duwan inay waxa jira runta ka sheegaan, wadaniyad iyo dal jaceylna muujiyaan, Qaladaadka ay wiilal soomaaliyeed galeen sida ay u sheegaan si ka balaaran ay u shegaan Tuugadda aan waxba noo reeban ee dalda-laneysa Hantideenii sifo aan sharci ahayn, Warbaahintuna waa inaysan Umadda ku noqon Oraahdii can baxday Ee Ahayd “Col ku dhac oo Tuugo kuu ciidamisay”.
Ugu dambeyntii aniga waxaan xalka u arkaa in la helo Dowlad Sal adag oo Dalkeeda, Dadkeeda iyo Diinteeda Difaacan karta, Lana xisabtami karta Burcadda Badda Labada kooxoodba. Haddii kale Ruwaayaddu halkaa ayay kasii socon doontaa ilaa mar ay qoomamo iyo calaacal wax tarin ay dadku Hurdada ka soo toosaan.
WQ: Sayyidcali Xuseen Gaabane.
Gaabane99@hotmail.com