Sunday, March 29, 2015

TAARIIKHDA FACEBOOK


TAARIIKHDA FACEBOOK










Facebook  Waa Bar-Bulsho Oo Toos Ah (Online), Waxaana  Aas'aasay  Mark Zuckerberg, Bishii February, 2004. Waxaana  Ku  Wehliyay  Fikradaas  Saaxiibadiis  Oo Ay Qol (Makhsin) Qudha Wadaageen, Arday na Kawada Ahaa  Jaamacadda Harvard Ee Dalka Maraykanka. Kuwaas Oo Kala Ah : 
Eduardo Saverin,  Andrew Mccollum,  Dustin Moskovitz  Iyo  Chris Hughes.

Magaca "Facebook" Wuxuu Ka Yimid Eray Suuqeed, Ay Isticmaalaan Ardayda Jaamacadaha Maraykanka.  Kamid Noqoshadda Facebook Wuxuu Kolkii Hore Ku Koobnaa Ardayda Dhigata Jaamacadda  Harvard, Kadib Ayuu Ku Fiday Jaamacadaha Kale Ee Dalka, Iyo Dugsiyadda Sare.

Sanadkii 2011, Facebook Wuxuu U Wareegay Xaruntiisa Dhexe Ee Magaaladda Menlo Park  Ee Gobolka California.

Shirkadaha  Faraca Ka Ah  Facebook Waxaa Kamid Ah:
Instagram Oo Ay Ku iibsatay Adduun Gaadhaya  $1 billion,  April 2012. WhatsApp  Oo Ay Ku iibsatay Adduun Gaadhaya  $19 billion,  February 2014. Iyo Oculus VR  Oo Ay Ku iibsatay Adduun Gaadhaya  $2 billion,  March 2014.









Sida Lagu Qoray Barta Tirakoobka Internet isticmaalashaasha  Caalamiga ah Ee  http://www.internetlivestats.com,  
Facebook Hadda Waxaa Isticmaala (active users. 1.39 billion Oo Dad ah.

Facebook Waxaa Xannibay Dowladdo Dhowr ah, Oo Ay ka mid yihiin:  China, Iran, Pakistan, Syria, iyo Uzbekistan, Balse Waxuu Noqday December 2011. Website-ka 2-aad Ee Loogu Isticmaal Badan Yahay  Dalka Maraykanka, Google Kadib.

Shaqaalaha Facebook
Facebook Waxaa U shaqeeya Shaqaale Gaadhaya  9,199 Qof (December, 2014).

Dhaqaalaha Facebook.
Shirkaddu Waxay Faa'iiday Sanadkii 2014-ta  $12.466 billion (2014). Hantida Guud Ee Facebook Waa  $40.184 billion (2014) 

Madaxda Facebook.

Mark Zuckerberg.  Waa Amerikan Ku Dhashay Newyork,  May 14, 1984. Waana  Madaxa, Ahna Milkiilaha Facebook  (facebook.com/zuck)









Sheryl Sandberg  Waa Amerikanad,  Ku Dhalatay Washington, D.C, Sanadkii 1969-kii
Waana Madaxa Xafiiska Howlgaladda.








Elliot Schrage Waa Amerikan, Ku Dhashay  Dalka Mareykanka, Sanadkii  1960.Waa Madaxa Isgaarsiinta iyo Xidhiidhka.